Maraakiib gargaar sida oo ku wajahan Xeebaha Gaza

Illaa saddex markab oo sida gargaar bani’aadantinimo ayaa ku soo wajahan Xeebaha Marinka Gaza, si looga jawaabo xaaladda bani’adaantinimo ee halkaasi ka jirta, waana wareeggii labaad oo dhinaca badda oo gargaarka lagu gaarsiinayo Gaza.

Hay’adda World Central Kitchen ayaa sheegtay in maraakiibtan ay gelinkii dambe ee Sabtidii ka soo ambabaxeen Jaziiradda Cyprus, isla-markaana ay sidaan cunto gaareysa illaa 400 oo tan.

Hay’adda ayaa sheegtay in cuntadu ay tahay mid diyaar ah oo ka badan illaa hal milyan oo dalab, isla-markaana ay ka kooban tahay bariis, bur, baasto, digir, khudaar qasacadeysan iyo weliba timir loogu talagalay in lagu afuriyo dadka, inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan.

World Central Kitchen ayaa ah hay’ad samafal oo uu aasaasay cunto kariye caan ah oo lagu magacaabo José Andrés.

Hay’addan ayaa bartamihii bishan sidaan oo kale markab siday deeq raashiin u soo dirtay Xeebaha Gaza, kaas oo noqday markabkii ugu horreyay ee gargaar soo gaarsiiya dhulka la go’doomiyay.

Ujeedada ayaa xilligaasi ahayd in la daahfuro marin badeed oo ammaan ah, si wax looga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Gaza iyo go’doominta ay ciidamadeeda ku hayaan.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in ku dhawaad kala bar dadka reer Gaza ay yihiin kuwo gaajeysan, isla-markaana ay halis ugu jiraan in ay macluul u dhintaan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xaaladda ugu daran ay ka jirto waqooyiga Gaza, loona baahan yahay in la sameeyo fara-gelin caalami ah, oo lagu jebinayo go’doominta adag ee Israel ku hayso Marinka Gaza.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegaya in wax gaarsiinta badda iyo hawada aysan dabooli karin baahida weyn ee ka jirta Gaza, ayna tahay in Israel ay ogolaato in gargaar badan oo dhanka dhulka ah uu gaaro Gaza.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa Khamiistii ku amartay Israel inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo hubiyo in cuntada iyo sahayda dawada ay si wax ku ool ah u galaan Gaza, iyadoo laga hortaggayo macluusha ay Qaramada Midoobey ka digtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker