Shil gaadhi oo ka dhacay xaafada Sabaxareed ee degmada Maxamuud Haybe.

Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa abaaro 4:30 subaxnimo gurmad u fidiyay shil baabuur oo ka dhacay xaafada Sabaxareed ee degmada Maxamuud Haybe, halkaas oo gaadhi nooca loo yaqaano Shamboo dhuxule ah uu galay Guryo u dhaway agagaarka waddada.

Laba qof ayaa ku dhaawacmay oo kala ahaa darawalkii iyo kirashboygii gaadhiga, iyadoo darawalka gaadhiga waday dhaawaciisu cuslaa.

Ciidamada ayaa dhaawacii ka soo samatabixiyay gaadhiga, waxaana la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.Dhanka kale waxaa iyagana ku xannibmay Sideed Qof oo ahaa dadkii deganaa guryihii gaadhigaasi galay.

Ciidamada Booliska, Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, dawlada hoose ee magaalada iyo shirkada korontada ayaa iyaguna gurmadkaa qayb ka ahaa.

Ma jirin dhimasho uu sababay shilkaasi. Waxaa iyaguna goobtaa ku yaalay meherado iyo guryo.

⚠️ Ugu dambayn ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan wadayaasha gaadiidka inay masuuliyad iyo taxadar muujiyaan.

📞 Hadii aad la kulanto masiibo dab fadlan soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee Somaliland.

Alle ha caafiyo dadkaa dhaawacmay.

Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox
990 Emergency Service

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker