Dowladda Turkiga oo cambaaraysay qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho

War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Turkiga ayaa lagu cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee Shalay lala eegtay xarunta wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya ee Muqdisho.

Image result for turkey flag

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka murugoonayaan Shacabkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii gardarrada ahaa ee ay argagixisadu ka geysteen Muqdisha, iyadoo ehelada Dadkii ku Naf waayay Alle ugu bariday samair inuu ka siiyo, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiiyo.

“Waxaannu cambaaraynaynaa weerarkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisadu ugu dan lahaayeen iney ku carqaladeeyaan ammaanka iyo xasilooniga Soomaaliya, waxaannu ugu tacsiyadeynaynaa qaraabada Dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacana waxaannu u rajeynaynaa Caafimaad” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga.

Hadalkankan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Dowladda Turkigu sii wadi doonto is Garab taagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker