Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia Oo La Kulmay Wakiilka Cusub Ee Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Jemes Swan.

Guddoomiye Mursal iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, doorashooyinka qaranka iyo dardar gelinta shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeynta xafiiska QM iyo golaha shacabka.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jemes Swan ayaa balan qaaday inuu halkeeda ka sii wadayo shaqada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb. Jemes Swan ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo soo magacaabay.

Waxa uu la wadaagay wakiilka cusub shaqooyinka hortabinta leh ee horyaalla golaha shacabka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker