Daacish-ta Suuriya Oo Difaac Uga Jirta Tuuladii Ugu Danbeysay Ee Ay Gacanta Ku Hayso

Suuriya(OWN)-Ciidamada Kurdida Siiriya SDF ee gacanta ka helaya militariga Maraykanka ayaa bilaabay duulaankii dhameystirka ahaa oo ay doonayaan inay kula wareegaan deegaanadii ugu danbeeyey ee ku jira gacanta kooxda xagjirka ah ee Daacish.

Dagaalkan ayaa ka socda tuulada Baghous Al Fawqani oo ay ku sugan yihiin xoogagadii ugu danbeeyey ee kooxda Daacish oo ay ku hareeraysan yihiin sadex ciidan oo kala duwan.

Daacish ayaa difaac adag uga jirta tuulada ugu danbeysa oo saaran xaduuda dalka Ciraaq oo ay dhinaca kale fadhiyaan ciidamada dowlada Ciraaq, waxaa iyaguna geesta kale ka jooga ciidamada dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad.

Waxaa difaaca ISIS ku socda duqeyn xoogan oo ay wadaan diyaaradaha Maraykanka. In ka badan 20 kun oo shacab ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay isaga qaxay deegaankaasi, waxaa sidoo kale la sheegay qoysaska maleeshiyaadka Daacish ay halkaasi isaga baxeen kuwaasi oo qaarkood isku dhiibay ciidamada Kurdida ee loo yaqaan SDF.

Dhulka hada lagu dagaalamayo ayaa ka yar 1% dhulkii ay ka talin jirtay kooxda Daacish ee Ciraaq iyo Siiriya. Maraykanka ayaa sheegay inay dhawaan ciidamadooda kala bixi doonaan dalka Siiriya marka lasoo afjaro dagaalkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker