Xildhibaan Balaki (guddoomiyaha Kulmiye) by Amir Bidde

Waxaan daawanay afhayeenka dawladda ahna wasiirka warfaafinta oo sheegay in xukuumadda mdxwayne Biixi aqbashay go’aanadii guddudii dhex dhexaadinta. Waxa isna hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ahna wasiirka Arrimaha gudaha oo si wanaagsan oo deggen oo isku kalsooni iyo daacadnimo ka muuqato uga hadlay caqabadaha hortaagnaa doorashada iyo in xisbiga waddani murankiisu keenay in doorashadu dib u dhacdo. Wuxuu sheegay guddoomiye-ku-xigeenku inuu xisbiga Kulmiye aqbalay go’aanadii guddida, diyaarna u yahay, siduu awalba ugu ahaa inoo doorashada galo. Doorashana ay dhici karto, si degdeg ah, haddii xisbiyada dudayaa dad waawayn noqdaan oo wada shaqayn la yimaadaan.

Waxa isna hadlay guddoomiyaha waddani oo 2da xisbi mucaarid metelaya. Wuxuu isna sheegay inuu aqbalay go’aanadii guddida. Isagoo hadalkiisa iyo muuqiisu is beeninayaan. Waxa oogadiisa ka muuqda diidmada qalbigiisa ku jirta. Waxa ka muuqday cadho iyo nacayb badan, afkana wuxuu ka yidhi waan aqballay. Bal eraygaasi  “waan aqbalnay”  halka uu ku dambeeyo waynu arki. (Iga qora taa).
Waxa isna hadlay xildhibaan Cabdillahi Balaki oo ah guddoomiyaha guddida nabadgelyada ee golaha wakiilada, wuxuuna ka mid yahay xisbiga Kulmiye. Xildhibaanku wuxuu aflagaadeeyey guddidii dhexdhexaadinta. Wuxuu xumaan ka sheegay ujeedadooda. Wuxuu sheegay inay yihiin niman aan cidna dirsan oo sharciga dalka baal marsan. Waxay guddidu sheegtayna wax ka soo qaad maleh, ayuu yidhi Balaaki. Nimankaa odayaasha ah ee wanaagga iyo heshiisiinta keenay wuu caayay. Wuuna xaqiray wuxuu ku tilmaamay ciyaalo suuq.
Balaaki wuxuu u hadlay sida Faysal Cali Waraabe iyo Cirro iyo afhayeenadoodu u hadlaan oo kale. Sida ay wanaag walba u daadafeeyaan. Sida ay u caytamaan ee ayna cidna u xeerin.
Markaa waa in Balaaki laga dhigaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.  Si ay xisbiyadeena u hoggaamiyaan dad isku wada caqli ah oo isku fikrad ah oo isku heer ah. Oo meel gaaban wax ka arkaya oo fahmayn in masuuliyadi saaran tahay. Dabadeedna ha isla meeraysatee.
Ugu dambayn Kulmiye wuxuu iska dhex helay nin la heer ah guddoomiye Cirro iyo guddoomiye Faysal. Welcome to Somaliland!
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker