Maanso: Ay-garad (Waxa curiyey Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)

Maansadan oo tilmaan ka bixinaysa hoos u dhaca ku yimi af-soomaaliga

waxaa ku jiray erayo badan oo qaarkood la ilaaway

waana dhoola-tus Af-soomaaligu u muujinayo afafka kale waxaanay tidhi

Ururtiyo laxaa sare

Afa gaale Caliyaw

Ninka adhaxda jiilaal

Eegaa maladi jirin

Anna oonka la hashada

Umalkiyo wisiisiga

Waxaan ooda dhacameed

Ashqaraar u kala guray

Oo gadayda laacdiyo

U baxii bilaan jiray

Sidaan ugu abtirin laa

Awinkiyo aswaantiyo

Arahdiyo argeegtiyo

Agedkiyo adeentida

Orobkiyo arbeebiga

Abaajiga asoolka leh

Awsaaxa jiifiyo

Ilma-dhuug kolay tahay

Ardalkiyo amuumkiyo Adamii tilmaanaa

Uus-miirka liitee

Nafta lagu la eertiyo

Abqadiyo Adaahida

Abxidayo adarigii

Iyo aabigeedii

Alamaanku saaraa

Agabaraha geedkiyo

Igmashada fartaaga leh

Ologiyo ardaayada

Axdartiyo asaayaha

Awgiyo ijaabada

Adurtii la odhan jiray

Agloolkiyo anfaaciga

Arooskiyo agliilkii

Ajuurada wadaadkii

Eeraanka dheeraa

Agtilaalki soocnaa

Amihiyo Aboodiga

Axadhiyo akeekiga

Anfariirka jaantiyo

Ayn faadka yaabka leh

Arartiyo hayl hayskiyo

Ilma raga shadeedii

Erayada tasoobiyo

Afku inuu agoon yahay

Aqoon-yahan tilmaamiyo

Abwaan kaama qarinine

Kumaad eer sanaysaa

Ayax guuray eel reeb

Argtida xidaarkiyo

Wax layidhi aftahankii

Aamus buu ku dhawyahay

Bayaxaw odoraskii

Naaf dhaladka eedee

Amin iyo god lays waa

Asa oodan baa jira

Runta aba saxeediyo

Abaraaqa waayaha

Ab-ogaa warkiisiyo

Arnaa’uudka waydii

Ay-garadka sii raac

Eela waynta naaxdiyo

Baydari ugaadhsiga

Ishinkeeda raacdee

Ohligaad jeclaydi iyo

Okholaha halkiisii

Umal baa ka sarakacay

Arootiyo aroorida

Ashkir inuu bariistiyo

Wax layidhi Adeeridu

Dhulka meel aftoolin ah

Kuma uusi shitadoo

Aarmigu ma saacido

Waa Agaali waranlay

Iyo nugul abaareed

Carshintii Aloog iyo

Caliw daranti eexood

Alle waxay ka sugayaan

Cirku in uu mar ooftiyo

Arligoo ku doogsada

Ukulidii dareenkiyo

Uubatays ha joogee

Yaa irdheeyay waayaha

Yaa alooka saanyahay

Aydinkiisa laaciyo

Ijadiisa yaa luray

Arbe waa yaqaanaa

Halkuu oosha mariyoo

Oolimaad diraaceed

Udawayne kuma furo

Aradkana hankaw daran

Garashad abguurtiyo

Agoon waa qofkii madhan

Indhaa aragtidooday

Ilkuhuna waxgooyaan

Aadmigu is qaad qaad

Isagaan abuurtiyo

Aayihiisa faalayn

Damaciisa iibgee

Hadba aag u sii gudub

Nin adduun majeertaa

Indheer-garato maahee

Iimaanki duug noqoy

Asalkiina laga faan

Adduunyada af baa fura

Aqoontana af baa qora

Dhaqankana af baa sida

Dhaxalkii awoow iyo

Isirkana afkaw mudan

Aa saarta duugiyo

Taariikhad aamiga

Afku udub dhexaad iyo

Aqolkooda weeyaan

Ummadana henkeediyo

Ilbaxeeda weeyaan

Ubadkana asluubtiyo

Aayahooda weeyaan

Alif macalin baa dhigay

Iyo awgi waynaa

Keena diidna aashi

Aragtiyo far buu qoray

Galaal aynigiisii

Ummaduu wax uga tagay

Shire-gaab amaan iyo

Ubax baa dulsaaraa

Ka daraa ogayl key

Qoraal loogu iman jiray

Afrax inuu dadaaliyo

Wili orodki muudayn

Gaarriyana astaamaha

Afka waa macnayn jiray

Arbe yaasha qaar iyo

Akhyaartii badh baa maqan

Abaal lugu xusuustiyo

Tixdu waa abaartood

Inta iilka jiiftana

Alle hawgu sama falo

Aamiiiiiiiiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker