Shirkadda Alibaba Oo Sheegtay Inaan Loo Adeegsan doonin Muslimiinta Uighur

Shirkadda ganacsiga dhanka internet-ka ee Shiinaha laga leeyahay, Alibaba ayaa sheegtay inaanay  oggolaan doonin in teknolojiyaddeeda loo adeegsado in lagu beegsado laguna garto qowmiyad gaar ah.

Hadalka shirkadda ayaa daba socda warar sheegaya in teknolojiyadda shirkadda lagu aqoonsan karo qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Uighur.

Alibaba ayaa sheegay in laga been sheegay in Alibaba Cloud ay soo saartay qaab lagu aqoonsan karo wejiga qofka oo muujineysa qowmiyadda uu ka soo jeedo.

Shirkadda ayaa sheegtay inaysan weligeed ku fekerin in teknolojiyadda loo adeegsan karo qaabkaas.

Shirkad wax baadha oo Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo IPVM ayaa Arbacadii daabacday warbixin sheegeysa in hannaankan teknolojiyadeed ee shirkadda lagu aqoonsan karo dadka ka soo jeeda qowmiyadda Uighur.

Alibaba ayaa Cloud Shield ku sheegay hannaan “qabanaya oo aqoonsanaya farriimaha, sawirrada, muuqaallada, iyo codadka ku jira muuqaallada dadka jirkooda ka ganacsada, siyaasadaha, argagixisanimada, xayeysiimaha iyo damaca jabsashada akoonnada dadka ee barta internet-ka, isla markaana ay ka caawineyso xaqiijinta, calaamadeynta iyo waxyaabo kale.”

IPVM ayaa sheegtay in magaca Uighur ee hannaankaas ku jiray laga saaray markii ay warbixinta daabacday.

Alibaba – oo ka diwaan gashay New York iyo Hong Kong – waa barta ganacsiga internet-ka ee ugu weyn Shiinaha, waana kan afaraad ee ugu weyn caalamka, sida laga soo xigtay shirkadda wax baarta ee Canalys.

Warkan ugu dambeeya ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan eedeymo cusub oo ku saabsan in shaqaaleysiin qasab ah ay ka socoto galbeedka Shiinaha.

BBC-da ayaa heshay caddeymo ku saabsan in in ka badan kala bar milyan oo shaqaalaha laga tirada badan yahay ah sanadkiiba la geeyo goobaha laga guro suufka.

Waxaa intaas dheer in ka badan hal milyan oo qof oo loo maleynayo inay ku jiraan xeryaha dadka lagu hayo, kuwaas oo qaar ka mid ah kuwa laga tirada badan yahay lagu qasbo inay ka shaqeeyaan warshadaha dharka.

Dowladda Shiinaha ayaa in muddo ah dafireysay eedeymaha la xiriira shaqaaleysiinta qasabka ah, iyadoo sheegtay in xerooyinka ay yihiin “iskuul tababarka xirfadda gacanta” warshaduhuna ay qeyb ka yihiin mashruuca “yareynta saboolnimada”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker