Daawo:-Faah-faahinta Wararkii ugu Danbeeyay Ee Khasaaraha Ka dhashay Weeraradii Ka Dhacay Muqdisho.

Muqdisho:- (OWN) Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay weerarradii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo hoteel halkaa ku yaalla oo ay inta badan madaxda dawladdu tagaan. Shan ka mid ah dadka dhintay waxaa la sheegay inay ahaayeen dableydii weerarka qaadday.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas oo loo adeegsaday laba gaadhi oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasoo lala beegsaday bar koontarool oo madaxtooyada laga ilaaliyo iyo hotelka SYL.

Qaraxyada ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo ay is dhaafsadeen dableydii weerarka qaadday iyo ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka, hase yeeshee wakaaladda wararka SONNA ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka amnigu ay “ka hortageen qaraxyo argagixiso”.

Weerarradan oo kuwa noocooda oo kale ah lagu qaaday xarunta Otto Otto todobad ka hor, ayey dadku is weydiinayaan sida ay uga dheceen xarumaha dawladda, iyadoo aad loo adkeeyey amniga iyo isu socodka gaadiidka ee Muqdisho, gaar ahaan meelaha ay ku yaallaan xarumaha dawladda ee aadka loo ilaaliyo.

HALKAN KA DAAWO FAAH-FAAHIN DHEERAADA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker