Agaasimayaasha maamulka hay’adaha dawladdu waa hoyga musuqa.

Dadka Muwaadinka Ah Ee Ku Dhaqan Debedda Iyo Gudaha Wadanka,Kolkii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ku Guulaystay Talada Waddanka Waxay Dal Jacayl Daraadii Madaxweynaha Si Is Daba Joog Ah Hay’adaha Warbaahinta Iyo Baraha Bulshadu Ku Wada Xidhiidho Ugu Soo Mariyeen Dhambaalo Xambaarsan Bogaadin Iyo Duco Iyo Talooyin Wax Ku Ool Ah Oo Madaxweynahooda Ugu Talo Galeen Kolkuu Caqligiisa Ku Cabiro In Wixii Uu Lagama Maarmaan U Arko Ka Qaato.

Madaxweynaha Ammaan Kamay Rabin,Lacag Inuu Ka Siiyo Kamay Rabin,Abaal Inuu Ugu Hayo Kamay Rabin,Balse Waxay Ahayd Talooyinkaasi Kuwo Ay U Arkaan Hadii Uu Wax Ka Qaato Madaxweynuhu In Dalka Iyo Dadkuba U Aayi Doonaan,Waana Halkaa Halka Ay Ka Eegayeen Shacbigu Ujeedada Ay Leeyihiin Oo Ah Danta Guud Oo Hagaagta.

Tusaalihii Ugu Badnaa Ee Bulshada Aqoonyahan Iyo Waxgarad Kaleba Madaxweynaha Mediaha Usoo Mariyeen Ee La Moodayay Inay Isku Aragti Ka Yihiin Shacbigu Waxay Ahayd.

In Isbedelka Ugu Mudan Ee Madaxweunuhu Xididada Ugu Siibi Karo Maamul Xumada Iyo Musuqa Ay Tahay Laguna Hagaajin Karo Ahay’adaha Dawladda Ay Tahay Iyadoo Isku Bedel Lagu Sameeyo,Ama Meeshaba Laga Saaro Agaasimayaasha Maamulka Ee Hayadaha Dawladda,Si Masuuliyiinta Uu U Magacaabay Hay’adaha Dawliga Ahi U Helaan Agaasimayaal Maamul Oo Cusub,Oo Ay Isla Jaanqaadaan.

Nasiib Darro Madaxweynuhu Talooyinkaa Iyo Tusaalahaa Aqoon Yahanka Waxa Uu Ka Tuuray Dhabarkiisa,

Arrintuna Waxay Isugu Soo Biyo Shubatay Nidaam Xumadii Dadweynuhu Uga Digayeen Madaxweynaha,

Agaasimayaashii Maamulka Iyo Xisaabaadka Ee Hayadaha Dawlada Sanadaha Badan Joogay,La Qabsaday Ee Sida Diirta Ugu Mamay Waxay Joogaan Goobahoodii, Joogitaankooguna Wuxuu Sababay Inay Xataa Aafeeyaan Madaxdii Madaxweynuhu U Magacaabay,

Musuqii Hanti Lunsigii Iyo Abla Ablayntii Maamulxumaduna Laydhkay Sii Shidatay,Waxaase Nasiib Darro Labaad Ah In Aanay Weli Muuqan,Saadaal Muujinaysa In Madaxweynuhu Wax Uu Ka Qabtaa Ha Joogtee Kuba Baraarugsanayn dabka hoosta ka huraya.

 

 

halyey cabdi nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker