Wasaaradda Caafimaadka JSL Oo La Wareegtay Dad La Socday Ethiopian Airlines Oo Looga Shakiyey Cudurka Coronavirus-ka

Ku dhawaad 16 qof oo looga shakiiyay cudurka Coronavires ayaa hada lagu daabulay gaadiidka Ambalaaska ee wasaarada caafimaadka Somaliland ku diyaarisay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International iyadoo lamarinayo marxalada labaad ee karantimaynta oo qaadan karta mudo 14 cisho ah.

 

Dadkan oo badankood yihiin Somali kasoo kicitimay wadamada Mareykanka Iyo Ingiriiska ayaa saarna diyaarada Ethopian Airline duulimaadkeedii duhurki maanta .

Majiro war rasmiya oo kasoo baxay dhanka  Wasaaradda Caafimaadka Somaliland  iyo gudiga heer qaran ee hawshan loo xil saaray , isku dayo aan sameeyayna iima suuro galin in goobaha ay khusaysa arintan wax war iga siiyaan .

 

Wixii Warar Soo Kordha kala Soco Oodweyne News.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker