Trump oo sheegay in dhowaan la xiri doono

Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu Khamiista is geeyo maxkamad ku taalla gobolka Georgia si uu u wajaho eedeymo ku saabsan faragelinta doorashada.

Xaakim ku sugan gobolka Atlanta oo gacanta ku haya kiiska madaxweynihii hore ayaa soo jeediyay in damaanad dhan $200,000 (£157,000) uu Trump bannaanka ku joogo.

Heshiiskan ayaa ka dhigan in Mr Trump uu xor sii ahaan karo muddo dheer isagoo sugaya maxkamadeyn maaddaama uusan isku dayeynin inuu cabsi geliyo marqaatiyaasha.

Mr Trump ayaa beeniyay 13 kiis oo loo heysto, waxaana ka mid ah warar been abuur ah.

Trump ayaa laga doonayaa inuusan u hanjabin oo uusan cabsi gelin cid walboo kiiskan ku lug leh sida marqaatiyaasha.

Waxaa heshiiska damaanadda wada saxiixay xeer ilaaliyaha degmada Fulton, Fani Willis, iyo qareennada Mr Trump.

Gelinkii dambe ee shalay Mr Trump ayaa bartiisa, Truth Social kusoo qoray: “Ma rumeysan kartaa? Waxaan Khamiista u socdaa Atlanta, Georgia, si ay ii xirto xeer-ilaaliyaha degmada ee xagjirka ah, Fani Willis.”

“Olole ayay gashay, wayna sii waddaa, lacag ayayna uruurisay,” ayuu intaa raaciyay. “Tan waxay xiriir adag la leedahay waaxda xu nee caddaaladda ee Joe Biden.”

Wuxuu sidoo kalesheegay in shuruudaha damaanadda ay muujinayaan in xeer-ilaaliyaha degmada ay ku fekertay inuu isaga ka carari doono Mareykanka.

“Ma awoodi doonaa inaan qaato diyaaraddeyda,” ayuu sidoo kale kusoo qoray bartiisa.

“Dabcan maya, waxaa ii fiican inaan mid caadi ah ku safro – waan hubaa cidna ima aqoonsan doonto!”

Ms Willis ayaa xaakimka ka codsatay inuu qabanqaabiyo maxkamadeynta 5-ta September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker