Soomaaliya oo kasoo horjeesatay warbixinta guddiga Jabuuti ee la xidhiidha xiisadda Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay warbixinta guddigii reer Jabuuti ee loo xilsaaray in ay soo baaraan tabashada Soomaaliya ee kaga cabaneysay Kenya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warbixintii ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta dowladda Jabuuti u xil saartay baaritaanada ku aadan waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

“Warbixintii soo baxday dowladda Soomaaliya waxay ku noqotay fajac, amakaag iyo qaadan-waa, wax aan loo fadhin oo aan la fileynin, waxay ka hadleysaa warbixinta ay guddiga soo saareen waxa alle wixii Soomaaliya ay dhibsaneysay ay sheegatay in guddigii xaqiiqada raadinta ee Jabuuti ka socotay waxay kasoo saareen waxbo kama jiraan”

Dhawaan ayay aheyd markii guddii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u xil saaray xaqiiqo raadinta khilaafka ay howshooda soo gabagabeeyeen.

Shirkii urur Goboleedka IGAD ee bishii December ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa madaxweyne Geelle loogu xil-saaray in uu ka shaqeeyo dib u dajinta xasaradda labada waddan ee dariska ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker