Wasiir Faratoon Oo Qaabilay Wakiilka Ingiriiska Ee Somaliland.

London-(OWN)-Wasiir Faratoon Oo Qaabilay Wakiilka Ingiriiska
Masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa soo dhaweeyay wakiilka cusub ee Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Mr Stuart Brown oo dhawaan bedelay wakiilkii hore Rosie Tapper. Wakiilka cusub ayuu wasiirka warfaafinta Somaliland hore u sheegay in fadhigiisu noqonayo Addis Ababa.

“ Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud waxa uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay wakiilka cusub ee Ingiriiska u qaabilsan Somaliland,” Sidaas ayaa lagu qoraal lagu faafiyay baraha bulshada ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in kulankani dhiirri gelinayo sii wadidda iyo horumarinta xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Ingiriiska kuwaas oo iska kaashada dhinacyo badan oo dhaqaalaha iyo ammaanku ugu muhiimsan yahay.

Xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ayaa kor u kac ku yimid bishii u dambeysay markii wasiirka Gaashaandhigga Ingiriiska Gavin Williamson bookhasho aan la filayn ku yimid Hargeysa taas oo ka dhalatay cadho reer Galbeedku ka qaaday tallaabadii Somalia ku eriday wakiilkii Qaramada Midoobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker