Sri Lanka Oo Ka Laabatay Go’aan Ka Cadhaysiiyay Muslimiinta

Sri Lanka ayaa dib uga laabatay amar muran dhaliyay oo ahaa in la gubo meydadka dhammaan dadkii ku dhintay Covid-19 ayna kamid yihiin Muslimiinta.

Dadka dhaleeceya waxay sheegeen in amarkan looga golleeyahay in lagu bartilmaameedsado dadka laga tirada badan yahay. Diinta Islaamka ayaa mamnucday gubidda meydka.

Dowladda ayaa ku doodeysa in aaska meydadka dadka u dhintay Covid-19 ay sumeyn karto biyaha dhulka.

Amarkan cusub ayaa yimid kadib booqasho uu ku tegay dalkaas ra’iisal wasaaraha Pakistan, Imran Khan. Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC in Sri Lanka ay ka codsatay Pakistan taageerada kulanka UNHRC.
Hay’adda ayaa la filayaa inay kulan ka yeelato qaraarka cusub oo ka jawaabaya walaaca isa soo taraya ee ka jira Sri Lanka, oo ay ka mid yihiin sida loola dhaqmo dadka Muslimiinta.

Sri Lanka waxaa loogu yeeray inay la xisaabtanto dadka xuquuqda aadanaha ku xadgudba si loola xisaabtamo isla markaana cadaaladda loo hor keeno dhibanayaashii dagaalkii sokeeye ee 26 -kasano socday, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100,000 oo qof oo u badnaa dad rayid ah oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Tamil.

Sri Lanka ayaa si adag u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna ka codsatay wadamada xubnaha ka ah in aysan taageerin qaraarka.
Waddanku wuxuu mar sii horreysay la kulmay cambaareyn culus oo uga timid kooxaha xuquuqda aadanaha u ololeeyo oo ay ku jirto UNHRC.

Waxay sheegeen inay ku guuldareysatay inay ixtiraamto dareenka diimeed ee dhibbanayaasha iyo xubnaha qoyskooda gaar ahaan Muslimiinta, Catholiga iyo Buudhistaha qaarkood.

Dawladda ayaa ku doodeysa in aaska meydadka ay sumayn karto biyaha dhulka, iyadoo lagu saleynayo hadalka guddi khubaro ah, oo aan la garanayn qaabka iyo shuruudaha saxda ah ee ay baaritaankooda ku saleeyeeyn.

Balse hoggaamiyeyaasha siyaasadda, diimaha iyo bulshada ayaa si isdaba joog ah su’aal uga keenay arrintan, iyagoo tilmaamaya in ka badan 190 waddan oo oggolaanaya aaska, iyo in aaska uu oggolaaday Ururka Caafimaadka Adduunka.

Kiiskan ayaa gaaray Maxkamadda Sare, laakiin kiisaska qaar ayaa la laalay iyada oo aan wax sharaxaad ah laga bixin.

 

Source: https://www.bbc.com/news/world-asia-56205737?xtor=AL-72-%5Bpartner%5D-%5Binforadio%5D-%5Bheadline%5D-%5Bnews%5D-%5Bbizdev%5D-%5Bisapi%5D

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker