Djibouti Oo U muuqata inay Muquunisay Kenya ,Marka La eego Tartanka Kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

Djibouti flag with Kenya flag, 3D rendering

Dawladda Kenya ayaa Cabasho ka muujisay Olole Xoogan oo ay dawladda  Djibouti waddo, kaas oo ku saabsan kursiga Qaaradda Afrika ee golaha
ammaanka Qaramada Midoobay.Midowga Afrika ayaa wuxuu sanadkii hore ee 2019 kursigaas u caleemo
saaray dalka Kenya oo gudaha Midowga Afrika kaga cod badatay Djibouti.

 

iyadoo uu Midowga Afrika go’aankaas u gudbiyay New York si loo xaqijiyo in
kursigaas uu Midowga Afrika u gartay Kenya.

Laakiin Djibouti ayaan joojin ololihii kursigaas ay ku doonaysay, waxaanay Kenya dhaqdhaqaaqa Djibouti ku tilmaantay mid ixtiraam darro ka muuqato oo  ka soo horjeeda qawaaniinta Midowga Afrika.Doorashada rasmiga ah ee kursigan ayaa bisha June ee sannadkan ka dhici
doonta New York.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa Djibouti ku eedaysay inay garab  martay go’aankii Midowga Afrika oo ay waddo olole ka dhan ah soo jeedinta Midowga Afrika iyo natiijadii ka soo baxday Midowga Afrika ee tartankii dhex
maray kal hore.

Dawladda Djibouti ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay  inay si sharci ah u hor istaagtay murashaxnimada Kenya ee golaha ammaanka  Qaramada Midoobay oo ay sheegtay inaanay ansixin guddiga fulinta ee
Midowga Afrika.

Gole lagu magacaabo PRC oo ah wakiilada joogta ah ee Midowga Affrika oo  ah safiirada Midowga Afrika u qaabilsan dalalkooda ayaa waxay qoraal u
qoreen safiirada Afrika ee New York jooga, waxaanay ka codsadeen inay Tixgelin gaar ah siiyaan murashaxnimada Kenya ee kursigaas, waxaanay ku
wargeliyeen in ay tartan ku galeen Addis Ababa dalalka Djibouti iyo Kenya oo
ay Kenya ku guulaysatay inay kursigaas Afrika u metesho.

 

Golahan the Permanent Representatives Committee (PRC), ayaa awood u leh  inay gaadhaan go’aamada cidda Afrika u metelaysa golaha ammaanka
Qaramada Midoobay, waxaana awooda siiyay madaxweynayaasha Afrika.

Hase yeeshee Djibouti ayaa u muuqata inaanay u hoggaansamin soo jeedinta Golahan iyo Midowga Afrika, waxaanay Djibouti sheegtay inay haysato
Taageerada dalal badan oo ay saaxiib yihiin, iyadoo Kenya ku eedaysay  inaanay qaadi karin masuuliyada ammaanka Afrika.

 

Codayntaas uu Midowga Afrika qaaday bishii August ee sannadkii hore, ayaa waxay Kenya heshay 37 cod, halka ay Djibouti heshay 13 cod oo ka mid ahdalalka Midowga Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker