Kulaylka Cimilada sii kululaaneysa ee dunida oo dalalka qaniga ah iyo kuwa saboolka ahba saameeysay

Heer-kulka cimilada ayaa sare u sii kacaysa caalamka, balse dhammaanteen si isku mid ah uma dareemeyno saameynta ay yeelaneyso.

Nus qarnigii tagay, isbeddelka cimilada ayaa sare ugu kacay dalalka qaar si kala duwan, iyadoo hoos u dhac ku keentay kobaca wadammada saboolka ah, halka dalalka kale ee qaniga ah ay si isku mid ah u kobceen, sida ay sheegtay cilmibaaris cusub.

Farqiga u dhexeeyo dalalka saboolka ah iyo kuwa qanniga ayaa ah qiyaastii 25% taasi oo ka badan maanta sida ay ahaan lahayd haddii uusan jiri lahayn isbeddel dhanka cimilada ah, sida ay sheegeen cilmibaarayaal ka tirsan Jaamacadda Stanford ee Clifornia.

Puntland oo dadku ka cabanayaan carro-guur iyo isbadel dhanka cimilada ah
Dalalka Afrika qaar ayaa isbeddelka cimiladu ay si ba’an u saameysay, iyadoo dakhliga qofka ee dalalka Mauritania iyo Niger uu in ka badan 40% uu ka yar yahay sida uu ahaan lahaa haddii uusan jiri lahayn heerkulka cimilada.

Dhanka kale, sida lagu sheegay daraasad lagu daabacay wargeyska Akadamiyada Qaran ee Sayniska, cimilada sii xumaaneyso ayay u badan tahay inay qeyb ka qaadatay dakhliga qofka ee dalal badan oo kala duwan oo qani ah, oo ay ka mid yihiin qaar dalalka ugu waaweyn caalamka.

Dhibka heerka kulka
Daraasad laga sameeyay in ka badan 20 dal oo cimiladu kululaatay ayaa lagu ogaadday inta dal kasta uu kuleelkiisu kordhay, isbeddelka cimiladuna uu saameyn ku yeeshay aadanaha.

“Xogaha taariikhiga ah ayaa si cad u muujiyay in dalagu si wacan u baxo, dadku ay yihiin kuwa caafimaad qaba, shaqadana ay ku wanaagsan yihiin xiliga cimiladu aysan aad u kululeyn sidoo kalena aysan aad qabow u ahayn,” ayuu yiri Prof Burke.

Professor kaan ayaa ku dooday in dalalka qabowga ah ay beeraha gurtaan, taasi oo ah “faa’iidada kuleelka”.

Madaxa cilmibaaritan Noah Diffenbaugh ayaa BBC u sheegay: “Inay jiraan wadooyin badan oo sababay caqabadaha ku gadaaman dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha oo ay cimiladu saameysay.”

Qaninimada iyo saboolnimada
Cilmibaarayaasha ayaa sheegay in markii ay jirto xoogaa hubaal la’aan ah oo la xiriirta faa’iidooinka qabowga ee dalalka qaniga ah, in saameynta dalalka kulul taariikh ahaan aysan waxba ku jabneyn.

Xaqiiqdii,haddii ay qiimeyn la haayeen kuleelka cimilada tan iyo bilowgii kacdoonka warshadaha, waxay sheegeen in saameynta muuqata ay xooganaan doonto.

“Tani ayaa ka dhigan in dalalka saboolka ah aadkana u nugul ay safka hore uga jiraan dalalka ay saameysay isbeddelka cimilada, waxaana loo baahan yahay in dalalka soo koraya ay waxka qabtaan saameynta xad-dhaafka ah ee sii kordheysa ay ku imaaneysa horumarkooda.” ayuu BBC u sheegay Happy Khambule, oo lataliye sare ka ah hay’adda Greenpeace Afrika.

Duufaantii ku dhufatay dalka Koonfur Afrika bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof
Sida dalka Mozambique oo aad ugu nuglaaday duufaantii Kenneth ayaa muujineyso saameynta ay yeelatay isbeddelka cimilada, iyadoo duufaantu sababtay in in ka badan 40 qof ay dhintaan tan iyo markii duufaantu ku dhufatay dalkaasi ayuu yiri Mr Khambule.

Bishii Maarso, in ka badan 900 oo qof ayaa ku dhintay guud ahaan dalalka Mozambique, Malawi iyo Zimbabwe sababo la xiriira duufaanta Idai ee ku dhufatay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker