Madaxwayne Ordogan Oo Fariin Cad U Diray Yuhuuda Iyo Carabta

Madaxweynaha Turkiga ayaa ayaa mar kale ku celiyay taageerada wadankiisu uu u fidinayo Falastiin iyadoo dunida Muslimku ay u dabaal degeeysay munaasabadda Ciiddul Fidriga.

 

 

“Ma ogolaan doono in dhulka Falastiin cid kale la siiyo,” ayuu Recep Tayyip Erdogan ku yiri farriin muuqaal ah oo uu ku daabacay Twitter-ka.

 

 

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ku celiyo oo wacad ku maro in magaaladda Qudus, oo meel barakeysan u ah sedax diimood, ahna qibladeenii ugu horeysay ay qad cas u tahay dunida muslimka ah,” ayuu yidhi Erdogan.

 

 

Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa ay caddahay in dunidu ku guul darreysatay in ay soo saarto cadaalad, nabad, amni iyo kala dambeyn.”

 

 

“Todobaadkii lasoo dhaafay waxaan markhaati ka ahayn dhul qabsi iyo dhul goosi cusub, taasi oo aan tixgelineyn Madaxbanaanida Falastiin iyo xeerka caalamiga ah ayna fulineyso Israel.”

Israel waxa ay sheegtay in ay goosan doonto qaybo ka mid ah daanta Galbeed 1-da July, sida ay ku heshiiyeen Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo Benny Gant oo madax ka ah xisbiga Blue and White.

 

 

Qorshahaas waxa laga cambaareeyay dunida dhan, gaar ahanna Turkiga, ayada oo dalalka Carabta badankood ay ka aamuseen.

 

 

Daanta Galbeed oo ay ku jiro bariga Qudus waxaa loo arkaa dhul la qabsaday markii loo eego sharciga caalamiga ah, taasi oo degenaanshaha Yahuuda ee hadda iyo dhul goosiga qorsheysanba ka dhigeysa sharci darro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker