Kalkaaliye Lagu Xukumay 10 sannadood Markii Uu kufsaday Haweeneey Koomo Ku Jirtay

Ninkan oo reer Arizona ah ayaa waxaa lagu xukumay 10 sannadood oo xabsi ka dib markii lagu helay dambi ah inuu kufsi u geystay haweeneey naafo ah oo lagula tacaalayay xarun uu ka shaqeynayay.

Kalkaaliye hore Nathan Sutherland ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday haweeneyda oo miyir daboolnayd taas oo ku sugnayd xarunta Hacienda HealthCare ee Phoenix.

Waxaa la xidhay 2018 ka dib markii Hidda Sidahiisa uu la mid noqday muunad laga qaaday ilmaha dhashay.

Sutherland waxa uu bishii Sebtembar qirtay dambiga ah in uu ku xad-gudbay qof weyn oo weliba nugul.

Dhibanaha oo markii ay dhaleysay canuuga ahayd 29 sano jir ayaa la sheegay in ay daryeelka xaruntaasi ku jirtay tan iyo markii ay yareyd.

Marka laga soo tago xukunkiisa xabsiga, Sutherland waa lala socon doonaa inta noloshiisa ka dhiman waxaana laga rabaa in uu isu diiwaan geliyo dambiile galmo kadib marka la sii daayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker