Kala baro dal jecle iyo xukuumad jecle W/Q: Guuleed Axmed Jaamac “Dafac”

Dadka qaar waxa ay jecel yihiin xukuumad markaas xilka haysa. Waxa aanay arki karin indhohooda wixii qalad ah ee ay samayso xitaa haduu yahay mid ugu danbayn dalka baabinaya. Gar iyo gardaroba way garab taagan yihiin. Waxa ay u hadlaan sidii oo ay dalka jecel yihiin. Balse dalka ma jecla. Hadii xukuumaddu is bedesho iyana way is bedelayaan. Caashaq xukuumadeed ayaa haya. Waa temporary. Cidii aan xukuumadda la jeclaan waxa ay u arkaan cadaw qaran. Berri marka xukuumaddu is bedeshona qaar kale ayuun baa iyagana u arkaya cadaw qaran.

Dal jeceluhu wuxuu jecel yahay dalka laftiisa. Xukuumadda xilka haysa caashaq uma hayo. Iyada lafteeda ayuu ka ilaaaliyaa dalka. Inay aadane yihiin oo sax iyo khalad ba geli karaan ayuu qofkaasi og yahay. Wixii dalka dibin daabyo ku ah ma yeelo. Hadii xukuumaddu is bedesho caashaqa uu dalka u qabaa isma bedelo.  Waa permanent.

Somaliland waxa halis ku haya xukuumad jecle aan sax iyo khalad kala garan karin; jacayl xukuumadeed ayaa indho tiray. Dadka qaar heer waali ayuu la marayaa. Furdaamadeeda iyo dawo in loo baadho ayaa loo baahan yahay. Waa Coronavirus ka siyaasadda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker