Colimada Ehlu Sunnah Wal-jamaac oo Shuruud wayn Ku Xidhay Ka Qayb Noqoshada Maamulka Cusub ee Galmudug

Dhuusamareeb (OWN) Magaalada Dhuusmaareeb waxaa laga soo warinayaa in Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan Faarax uu la yimid waji cusub, wuxuuna dowladda ka codsaday in jago sare Looga magacaabo maamulka cusub ee la rabo in laga dhiso Galmudug si uu gacan uga geysto dhameystirka Doorashada lagu dhisayo maamulka cusub.

 

 

 

Waxaa lasoo Warinayaa in la guda galay waan-waan cusub oo u dhaxeysa maamulka Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka, xogta la helay ayaana sheegeysa in Hogaamiyahan uu doonayo in laga dhigo madaxweyne ku Xigeenka Galmudug.

 

 

 

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa qoraal uu soo qoray ku xaqiijiyay ineysan qeyb ka aheyn Doorashada lagu dhisayo Galmudugta cusub kadib markii ay ku qanci waayeen habka ay Dowladdu u maamuleyso guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

 

 

Qorshaha ay la yimaadeen Ahlu Sunna waxey culeys hor leh ku abuurtay habsami u socodka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kux igeenka Galmudug, waxaase la ogyahay in wadahadalada dib ugu bilaabanaya labada dhinac ay dowladda u wakiilatay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah wiil uu dhalay hogaamiyaha Ahlu Sunna ee qorshahaan la yimid.

 

 

 

Dowladda Federaalka ayaan la ogeyn sida ay qorshahaan ugu fulin doonto hogaamiyaha Ahlu Sunna, waxeyna tani imaaneysaa xilli ay ku guuleysan waayeen xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka cusub ee Galmudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker