Xidhiidhka Ciyaaraha Garsoorka Kubada Cagta JSL Oo Ka Hadlay Halka Ay Marayso Qaban-Qaabada Ciyaaraha Gobolada Dalka

Gudoomiyaha xidhiidhka garsoorka kubadda cagta ee Somaliland Khadar Jilaal jaamac ayaa ka warbixiyay halka ay maryaan hawl-laha diyaar garawga tartanka ciyaaraha gobolada oo dhawaan la qaban doono.

 

Khadar Jilaal Jaamac gudoomiyaha xidhiidhka garsoorka kubadda cagta ee Somaliland  ayaa sheegay in hawshii qaban qaabada tartanka ciyaaraha goboladu ay marayso meel gabo-gabo ah, waxaanuu sheegay in wasaaradda dhalinyarada ciyaaruhu ay sii laban laban laabtay dalaalada ku saabsan sidii loo dar-dargalin lahaa hawlaha qabashada ciyaaraha goboada.

 

Ugu dambayn gudoomiyaha xidhiidhka garsoorka kubadda cagta ee Somaliland Khadar Jiilaal wuxuu dhalinyarada ciyaartoyda ah ee u ciyaari doona gobolada kala duwan ee dalka u soo jeediyay inay soo bandhigaan ciyaar-wanaag, isla markaana ay illaaliyaan shuruucda kobada cagta ee dalkeena u taal, sidoo kalena wuxuu dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa ka codsaday in ciyaartoyada ka socda kooxaha tartankaas ka qayb gali doona ay u soo dhaweeyo si isku mid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker