Safiirka JSL ee Jabuuti oo Si Balaadhan Ugu Qaabilay Maareeyaha Dekeda Berbera oo Booqday Safaarada

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo Soo Dhoweyn Balaadhan ku Qaabilay Maareeyaha Dekedaha oo Booqday Xarunta Safaarada … Said Hassan, Danjire Abdifatah 
Jabuuti (OWN)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa soo Dhoweyn Balaadhan ku qaabilay Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo safar shaqo. 
Maareeyaha Dekedaha Somali Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu booqday Safaarada Somali ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxana halkaa kusoo dhoweeyey Safiirka Somali u fadhiya Jabuuti ambassadör Cabdifatax Siciid Axmed, Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu si Weyn UGU mahadnaqay Safiirka oo waxqabad Balaadhan ku sameeyey Safaarada Somaliland ee Jabuuti iyo Guulaha Diblumaasiyadeed ee u ku Talaabsatay mudooyinkii u dambeeyey.
Safiirka ayaa Maareeye ku Maamusay Hadhimo sharafeed.
Geesta kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu dalka Jabuuti kaga qaybgalay Shirka madasha 24 ee Dekedaha Afrika oo lagu qabtay halkaa, shirkaas oo lagu soo Casuumay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciidi. 
Dib ayaanu idinku soo gudbin doonaa akhristayaal Wararka iyo kulanada Balaadhan ee Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi la qaatay Masuuliyiin kala duwan.
OodweyneNews/Jabuuti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker