MAXAA LAGA BARAN KARAA KIISKII KUFSIGA MARXUUMAD CAASHA ILYAAS

Maxaa laga baran karaa kiiskii caasha ilyaas aadan 

Waxaan si dhaw ula socday kiiskii lagu soo oogay dadkii looga shakisanaa inay ku lug lahaayeen kufsigii iyo dilka arxan darada ahaa ee loogu geysay marxuumad caasha ilyaas aadan magaalada gaalkacyo bishii february ee sanadkan 2019 

Raga eedasanayaasha ah oo tiradoodu markii hore 10 ahayd ayaa waxaa denbiilayaal kufsaday oo dilay caasha loo aqoonsaday 3 ka mida kuwaasoo labo xubnood walalo ahaayeen caashana dhinaca hooyada qaraabo ka ahaayeen 

Marxuumad caasha oo dadeedu ahayd 13jir ayaa waxay goor 8:30 subaxnimo iyadoo reerkooda suuqa uga soo adeegtay ayaa la afduubay oo cid ugu danbaysay waxaana goor waa dhawaadkii ah maydkeeda la soo dhigay gurigooda agtiisa intii u dhaxaysay waxay ku jirtay nolol adag oo marna kufsi ahayd marna dil silica ahayd

3da nin oo ahaa rag dadoodu u dhaxayso 24 jir ilaa 46 jir ayaa waxay kale oo jaar la ahaayeen guriga marxuumada ay kufsiga iyo dilka iskugu dareen reerkoodu deganaa 

kiiskani wuxuu ahaa kii ugu adkaa ee ugu xaasxaasisaana ee ugu dareenka kululaa ee dhawaanan ka dhaca dhulyowga soomaalidu degto

Waxaana hayadaha gacanta ku haya haystay cadaadis iyo cagajuglayn kiiska oo maray dhawr derejo maxkabadeed oo kala sareeya kooxaha ku hirdamayey marwalba waxay kala furanayeen maryo dhiigle ilaa iyo gebogebadii oo sidii laysu baacsanayey laysula galay irida maxkabada sare ee puntland taasoo iyana aakhirkii ku raacday labadii maxkabadood ee ka hooseeyey go,aankii dilka ahaa ee ay ku xukumeen 3da eedaysane 

Gebogebadii waxaa dedaal dheerada iyo aqoon baadhiseed oo qotodheer iyo adkaysi iyo samir sameeyey xeer ilaaliye ku xigeenka puntland maxamed xareed faarax ninkaas markaan daawaday halista uu u badheedhay iyo siduu ugu dhiiraday eedaymihiisa iyo sida aanu mar kale u labaclabacleyn waxaan idhi walee soomaali weli rag baa nool

Ninkaasi ah gudoomiye ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee puntland oo sida ka muuqatay aad uga aqoon badnaa ugana waayaragsanaa looyaradii eedaysanayaasha u doodayey wuxuu markasta doodiisa ku ladhayey cadaymo xoojinaya eediisa 

Runtii wuxuu  istaahilaa in bilad geesi lagu talo siduu isugu taxaluujiyey inuu ka gun gaadho kiiskii caasha aakhirkiina sida isaguba sheegay caasha cadaalad way heshay go’aankii maxkabada sarena ee ku taariikhaysnaa 22 bishan august 2019 wuxuu soo gebogebeeyey xukunadii is xig xigay ee lagu riday 3dii eedaysane 

Soomaali cadaalad baa deeqda hadii kale nin waliba wuxuu jecel yahay ayuu samaynayaa isagoon cidna waxba iskaga tirinayn  horaa loo yidhi soomaalidu kal baqa ayey leedahay ee kal xishooda ma laha hadii kii kastee qof dila loo dilayo labo caliba kuma wada hadasheen 

Illaahay xaqa hayna waafajiyo

 

jama abdillahi Suleiman

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker