Cidamada Somaliland iyo Puntland Oo Xalay Madaafiic isku Weeydaarsaday Deegaanka Tukaraq

Tukaraq(OWN)- wararka ugu danbeeyey ee deegaanka tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Xaalad deganaansho ah ayaa Maanta laga dareemayaa deegaanka tukaraq  halkaas oo xalay fiidkii ay madaafiic isku weeydaarsadeen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

 

Shacabka deegaankaas tukaraq ayaa Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland   u sheegeen in xalay labada dhinac ay isku weeydaarsadeen furumaha dagaalka, iyada Shacabka markii hore ay  qabeen cabsi dagaal.

 

Weli lama sheegin khasaaraha labada dhinac ee ka dhashay madaafiicdii xalay,waxaana saaka  tukaraq laga dareemayaa saan saantii ay reebeen.

Ciidamada Somaliland Iyo puntland  ayaa deegaanka tukaraq iyo deegaanada kale ee Gobolka Sool waxa ay ku soo gurayaan ciidamo farabadan, waxaana sidoo kale ay Warbaahinta isku marsiinayaan hadalo keeni kara in dagaalka uu dib u qarxo.

Oodweynenews Newsdesk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker