Shir ay isugu yimaadeen Gudida heer Qaran ee taakulaynta Suuqa Waaheen

Shir ay isugu yimaadeen Gudida heer Qaran ee taakulaynta Suuqa Waaheen iyo Wefti ka socday wadamada saaxibka la ah Jamhuuriyada Somaliland, kuwaasoo dalka u yimi in ay qiimeeyaan dhibaatadii waynayd ee ka dhacday Suuqa Waaheen Habeenimadii sabtida ee wiigan sii dhamaanaya.

Kulan ayaa lagaga wada hadlay halka ay marayso qiimaynta khaasaraha ee ilaa hada la sameeyey, iyada oo weftiga uu war bixin dheer siiyey Gudoomiyaha Gudida Heer Qaranka, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL mudane Cabdirisaq Halbaani Xuseen oo ka waramay talaabooyinka la qaadayo oo ay ka mid tahay nadiiftinta Suuqa Waaheen.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed oo kulan shir gudoominayey ayaa isna dhiniciisa war bixin ka siiyey weftiga Beesha Caalamka, isaga oo ugu mahadnaqay sida ay shacabka Somaliland iyo Dawladaba ula wadaageen sida ay ugu xun yihiin dhibaatada soo gaadhay Suuqa Waaheen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker