Booliska Soomaaliya ayaa Abaal-marin u ballan qaaday qof kasta oo soo sheega xogta eedeysane Boolisku uu baadi goobayo

Booliska Soomaaliya ayaa Abaal-marin u ballan qaaday qof kasta oo soo sheega xogta eedeysane Boolisku uu baadi goobayo oo Xaaskiisa Muqdisho ku gubay.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu yidhi:-

Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday.

Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday.

Qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada.

Howgalo lagu baadi goobaya ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si’uu cadaalad u maro.

Mahadsanidiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker