Maxaa keena naxariis yaraanta Xirfadlayda Caafimaadka?

Boqolaal qof oo bukaan ah yaa ku dhintay laba cusbitaal oo kuyaal gobol ingiriiska ah oo layidhaa Mid Staffordshire sanadihii u dhexeeyay 2005 ilaa 2009. Arintani markii ay dibada usoo baxday waxay sababtay cadho dadwayne oo aad u balaadhan iyo fadeexado maamul xumo iyo dayacnaan.

Gudi baadhitaan oo heer sare ah ayaa arinkan loo saaray bal si ay uga gungaadhaan sababta keentay in labadaa cusbitaal ku fashilmaan shaqadii dadka ay u hayeen; baadhitaanka noocan oo kale ah Ingiriisku waxay ugu yeedhaan Public inquiry waxaana inta badan hogaamiya Qaadi madax bannaan.

Ku dhawaad afar sano kadib ayaa gudidii waxay soo saareen warbixin ka kooban 180 bog, nuxurkeeda oo ilaa toban bog ah ayaad ka heli kartaa website barlamanka ingiriiska. Warbixintani waxay  ku caantahay magaca Francis Report.

Gudidani waxay sheegeen in dhibaatada dhacday oo dhan ay sal u yihiin dhowr mushkiladood oo si fudud ku bilaabmay laakin aan waxba laga qaban inta la maarayn karaayay. Maxay yidhii dhowrkaas mushkiladood? bal u fiirso.  waxay kala yihiin:

Compassion fatigue: naxariistii iyo tacaadufkii oo ka yaraaday shaqaalihii caafimaadka.

Overwork and unrealistic goals: shaqaalaha caafimaad, siiba dhakhtarada, oo shaqeeya saacado ka badan inta ay qaadi karaan iyo yool aan suuro gal ahayn.

Lack of Continuity: xidhiidhsanaantii daryeelka caafimaadka oo kala go’day, hay’adaha kala duwan ee bukaanka daryeela oo lahayn wada shaqayn iyo isku xidhnaan qeexan.

Qodobka ugu khatar wayn uguna xannuunka badan waa kan: “Failure to see the patient as fellow human being” shaqaalaha caafimaadku waxay ku fashilmeen in ay qofka buka u arkaan una tixgeliyaan, ulana dhaqmaan si qof iyaga la mid ah oo aadami ah. Waxa dhacay waxa ay ugu yeedheen “dehumanisation of patients” in qofkii bukay laga xayuubiyay bani aadamnimadiisii.

Su’aasha la iswaydiiyay waxay ahayd, walina waa su’aal taagane, Maxaa caadifada iyo dub-naxa ka siiba howl-wadeenada caafimaadka, siiba dhakhaatiirta iyo kalkaalisada??

Mar danbe ayaan si muqleh uga faaloon doonaa jawaabta su’aashaas laakin bal akhriste isku day in aad fikirkaaga ka dhiibato jawaabta.

 

Dr. Abdikarim D Hassan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker