Dawladaha Turkiga iyo Kuwait oo Xidhiidhkoodu Noqday Walaal Nafqaysi ah

Danjiraha Dawlada Kuwait u Fadhiya Dalka Turkiga ayaa Sheegay in  Xidhiidhka U dhexeeya Dalkiisa iyo Dawlada Turkigu uu Marayo Meel Fiican isla Markaana uu Rajaynayo inuu ka sii Wanaagsanaado .

 

Labadan Wadan ayaa ah Kuwo la Odhankaro waa Walaalo leh Xidhiidh dhan walba ah isla Markaana ah Walaalo Muslimiin ah

 

Sidaasna waxaa uu ka sheegay Xaflad lagu Qabtay Caasimada Ankara oo lagu Xusaayay Sannag Guuradii 59 ee Xornimada Wadankiisa Kuwait

Xafladan oo ahayd Mid Sifiican Loo soo Agaasimay oo sidoo kalena ay kasoo Qayb galeen Wasiiro iyo Saraakiil ka Tirsan Dawlada Turkigay .

 

Waxaa kaloo uu Carabka ku dhuftay Xaalada Caafimaad ee Dunida oo sii Xumaanaysa isagoo ula jeeda Xanuunka CORONAVIRUS.

Dhankalena Ambassador Zawawi ayaa Saadaaliyay inuu Rajaynayo in dhawaan lasoo saari Doono Dawooyin lagula Tacaalo Xanuunka Corona.

Waxaa kaloo uu sheegay mr Zawawi in Dawladiisu dhawaan ay Xaqiijisay  in Saddex Qof  oo uu ka mid Yahay Muwaadin Sucuudiyaan ahi laga Helay Xanuunka Coronavirus kuwaas oo dhawaan ka soo laabtay Dalka Iiraan.

 

Waxaa Wakaalada Wararka Ee Turkiga ee Loo Yaqaan ANADOLOU Ka Soo Turjumay Suxufi Sinyoore

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker