Shil Ka Dhacay Gobolka Sool Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Wararka aan heleyno deegaan duleedka ka ah Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas  shalay uu ka dhacay Shil sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Shilkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii gaadhi ay la socdeen  shan qof  oo ku dhacay togga loo yaqaanno Waqa-Deri oo ku yaalla deegaan duleedka ka ah Laascaanood ee gobolka Sool.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in hal qof  oo ku dhintay Shilka, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo saarnaa gaariga togga ku dhacay, waxaana uu ka yimid deegaan lagu magacaabo DOCMO, iyagoona kusii jeeday Magaalada Laascaanood.

 

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa gaadhay halka uu falka ka dhacay, iyagoona gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay shilka, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday dhanka Laascaanood.

 

Si kastaba inta badan Shilalka ka dhaca deegaanada Somaliland ayaa waxaa loo sababeyaa Waddooyinka ku yaalla halkaas oo ah kuwo aad u burbursan iyo Darawalada oo si xawaare ah kuwa gaadiidka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker