Dawlada Kenya oo sheegtay in Saraakiishii ugu Badnaa ay ka dileen Ururka Alshabaab

Nairobi (OWN) – Dowladda Kenya ayaa faah faahin rasmi ah ka bixisay Weerar dagaalyahanno ka tirsab Al-Shabaab ay ku qaadeen gaadhi Bas ah oo ku socdaalayey Nawaaxiga magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

 

 

Saraakiisha Ammaanka oo ka hadlay Weerarkan ayaa sheegay in lala beegsaday weerarka gaadhi ay laheyd Sharikadda Madina, islamarkaana ay la socdeen 56 qof.

 

Dhankiisa Guddoomiyaha Gobolka Wajeer, Loyford Kibaara oo la hadlay warbaahinta ayaa Xaqiijiyey in todobo ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen saraakiil Boolis ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku sii jeedeen Shaqadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwo kale ee Saarnaa gaadhiga ay ka badbaadeen weerarkaasi, kadibmarkii ay ka boodeen daaqadaha, sida uu hadalka u dhigay.

Loyford Kibaar ayaa intaasi ku daray in kooxda weerarka fulisay ay Toogateen dhamaanba dadkii aan muslimka aheyn ee Baska la socday.

Al-Shabaab ayaa dusha u Ridatay weerarkan, waxaana ay sheegtay in ay ku dishay dad Kiristaan ahaa oo qaarkood ka tirsanaa sirdoonka Kenya iyo shaqaalaha dalkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee  saraakiil ka Tirsan ciidamada Kenya lagu laayo Waqooyi Bari  ee  dalka Kenya, waxaana Gobolkaasi marar badan weeraro ka fulisay Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker