Raila Odinga oo la filayo inuu khudbad jeediyo Ka Dib Natiijadii Lagu Dhawaaqay

Murashaxa madaxtinimo ee dalka Kenya, ayaa lagu wadaa inuu hadlo, markii ugu horeysay, tan iyo markii si dirqi ah loogaga adkaaday doorashadii Isniintii.

Waxaa lagu dhawaaqay in Raila Odinga uu saxaafadda la hadli doono 14:00 ama 02:00 duhurnimo, ee xilliga maxalliga ah ee dalka Kenya, oo u dhiganta (11:00 GMT).

Waa markii shanaad ee 77-jirkan uu u tartamo jagada ugu sareysa dalka Kenya. Dad badan, ayaa u maleynaya inay noqon doonto markii ugu dambeysay ee uu tartamo Raila.

Salim Lone, oo ah lataliyihii hore ee Mr Odinga, ayaa u sheegay BBC-da maanta oo Talaadadii ah in madaxiisii ​​hore uu nidaamka oo dhan barbar dhigay “ku xadgudubka hannaanka doorashada ee dimuqraadiyadda”.

Ka hor inta uusan Ruto ku dhawaaqin madaxa guddiga doorashada Isniintii inuu ku guuleystay 50.49% codadkii la dhiibtay, ayaa dadkii u qaabilsanaa doorashada Odinga, waxay sheegeen in aysan xaqiijin karin natiijada.

Waxa kale oo su’aalo la weeydiiyey afar kamid ah toddobadii guddiga doorashooyinka qaranka, kuwaasoo saxaafadda u sheegay in aanay awoodin inay xaqiijiyaan in natiijada soo baxday ay tahay mid la hubo, oo lagu kalsoonaan karo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker