Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Canbaareeyey Weerarka Turkigu Ku Qaaday Suuriya

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarka milatatiga Turkiga ay ku qaadeen gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in weerarka Turkiga uu xadgudub ku yahay madax banaanida dalkan Carbeed ee Syria.

Sacuudiga ayaa dhanka kale sheegay in duulaankan uu dib u dhac ku yahay hormarka iyo dadaalada loogu jiro dhanka Nabada.

Wasaarada arimaha dibada Dawlada Imaaraadka Carabta ee Midoobay ayaa iyaduna dhankeeda canbaareysay howlgalka milatari ee Turkiga oo ay ku tilmaantay mid kala qeybinaya shacabka Suuriya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker