Sanaag hadal uma baahna,waxay u baahan tahay wax qabad!

Horudhac yar baan doonayaa in aan ka idhaahdo marka ,hore waa magaalo xadaarad leh dadkeedu aad u wanaagsan yahay,waxaan kaga baxay imtixaankii la odhan  dugsiga hoose 1974 oo lagu dhigan jiray carabi iyo ingiriisi a waa mudo laga joogo 42 sanadood,haddan macalimiintaydii yara xasuusto..siciid karow,dhibitaati,ali jaamac boqore,jaamac ali daalin,jaamac darajo ,cabdirahman jaamac jangeli.aaleh,soodaani  iyo Mohd  weyd oo ahaa maamulihii ka schoolka hoose.

Waxay leeday meelo loo dalxiis tago,xeebta oo dhan,buurta daalo,godka, iyo bustaanadda,midhisho,hareeda iwm.

Horta waan duceynayaa in ay na kacdo caweer…wadada ceerigaabo…dawladda waxaan leeyahay sidii xirsi xiin uma laha ee ka kaca oo mashruuc bal u raadiya caawimo dawladaha khaliigka iyo kuwa kale ee bixiya caawimooyinka inta aanay fadhiisan inkastoo wanaag laga sheegayo ilaahay baa u baryayaa in ay guul ku dhamaato,laakiin gudo iyo debadba waa in la isu taagaa..gaar ahaan reer ceerigaabo ka kacaan oo ay u uririyaan bil walba gaadhaan oo ay gobolada kale ee wadankana ka qaadaan gudiyo ay ka sameeyaan khaliijka iyo wadamada kale yurub,america,Australiya.

Dp world na  waa in loo weydiiyaa caawimo wadada ceerigaabo,sidii ay u weydiiyeen madaxdii u tagtey dhawaan gobolka sanaag odayaashu gobolku.

Horta mashruuca ku xiga waa airportakoo u leh qiimo weyn dhica is gaarsiinta,dalxiiska gaar ahaan daalo iyo meelaha kale ee loo tago dalxiiska. daalo oo laga sameeyo  isgaarsiin casri oo ilaa xeebta ah.

Xoolaha oo tayadooda la kordhiyo iyagu daran bay daaqeen waa mac yihiin  laakiin waa in laga sii kordhiyaa,xagga beeraha khurda ayey caan ku tahay baradha ,kaabajk,dacasaha,batroolka iwm iyagan waa in la xoojiyaa.

Beeyada ayaa ah isna tadawur lagu sameeyo iyo dhirta kale ay ka mid tahay murkuda oo loo iib geeyo itoobiya,kaluunka ku dar debinta,taraaqadd,tuuna,libaax IWM,waxaasi oo dhami ,dekadda meydh,warshadda laasqoray ee kaluunka oo la baladhiyo iyaduna waxay ka qeyb qaadan kartaa horumarka dhaqan dhaqaale ee ku taamayo gobolku uma baahna hargeysa iyo wixii la hal maala ee wuxuu baahan kadariin is heysta oo u dhabar adeyga hawsha baaxadaa leh oo dhiig cusub leh.

 

Ismaaciil xaaji muuse oo ah aabay saaxiibkiina waxaanay leeyahay dhalinyada uu ka mid yahay jaamac jibriil oo ah class mategii ,jaammiciyiinta u baneeya kuraasta si uu gobolku u gaadho haromar…waanad ku aaman tahay inta aad soo gaadhsiisey intii aad u ahayd mayorka.waaanan kaaga mahad naqayaa mudo laga jooogo 48 sanadood gurigii aad nagu soo dhaweysay ee ka soo hor jeeday macalinkii cawil koox intii aanu ka helaynay guryahay dawladda…..

Dawladu waa in ay hadal ula tagto maaha ee waa inay buuxiyaan baahiyooyinka jira sida caafimaadka ,biyaha,laydha,waxbarashada iyo amniga oo ay aad uga shaqeyso….waa in ay dawaladu ay yareysaa dilalka ka dhaca gobolka iyadoo u mareysa sharciyadda iyo wacyi gelin dadweynaha.

Waxa muhiima ah  inta degta gobolka ee ay dani ka dhaxeyso in ay gacmaha is qabsadaan ileyn kala tegi maayaan wax kastoo dhaca(Dhulbahante,habarjeclo,habar yoonis,warsangeli,ugus labe,gaheyle,jibrahiil,muhumed,dadka laga tiro badan yahay..madigan,tumaal,lo’ jir ,magaado iwm)gacmo wada jir bey wax ku gooyaan,haddi aan taa la helin wax horumar ah ha ku seexan.

Waxaan maqaalka ku soo gunaadi lahaa dawladdu ha u dedaasho horumarinta gobolka ceerigaabo,dadweynuhuna ha baraarugaan.

Far keli fool ma dhaqdo.

Guuleysta reer ceerigaabo.

Dr. Abdul razak Mohdi Essa

Senior supplu medical chain officer.

Seha Company/UAE

magaado

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker