Maamul Goboleedka Galmudug oo shuruudo adag ku xidhay ka qeyb-galka shirka uu Madaxwayne Farmaajo ku dhawaaqay

Dhuusa-Mareeb (OWN) –War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta ee Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inaysan Galmudug kasoo qeybgeli doonin kulanka Amniga Qaranka ee ka dhici  doono Magaalada Muqdisho kaasoo uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay dhammaan Madaxda Maamulada ka jiro dalka.

Maamulka Galmudug ayaa si cad u sheegay inaysan shirkaas kasoo qeybgeli doonin haddi aysan dowladda Soomaaliya fulinin ballamihii horey loo galay oo ay ugu dambeysay shirkii dhawaan ka dhacay Garoowe.

Galmudug ayaa sheegtay in haddii aan loo fasixin Miiniyadda xayiran ee Galmudug ku leedahay Dowladda Dhexe iyo Mashaariicda dalka laga fuliyo aysan marnaba kasoo qeybgeli doonin kulankaas.

Sidoo kale Galmudug ayaa sheegtay inaysan shirkaas kasoo geli doonin inta ay Dowladda Soomaaliya ka ictiraafeyso heshiiska Ahlu Sunna iyo Galmudug ee kasoo bilowday Jabuuti kaasoo markii dambe lagu saxiixay Muqdisho uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo madax kale oo ka socotay Beesha Caalamka.

Galmudug ayaa ugu dambeyntii ka digtay faragelinta ay Dowladda Federaalka sheegtay inay ku heysay Maamulada dalka ka jiro gaar ahaan Galmudug.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Galmudug:

 

Oodwaynenews office Hargaysa: by Suxufi Sinyoore

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker