Dagaal Beeleed Ka Qarxay Duleedka Bari ee Magaalada Berbera

 

Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Beeyo oo ku yaalla duleedka magaalada Berbera.

 

Ugu yaraan Lix qof ayaa dagaalkan ku dhimatay, iyadoo dhaawacuna ka badan yahay 10, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow deegaankan lagu dagaallamay.

 

Weli waxaa halkaasi ka jirta xiisad xooggan oo ka taagan deegaankan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay  Xukuumada Somaliland.

 

Maleeshiyaadkan ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay deegaankan, mana jirto xal rasmi ah oo laga gaadhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker