Kugtii bariga dhexe iyo ma u eg tahay kiiskii Falastiin!

Maalin maalmaha ka mida baa laba wiil dagaalameen oo mid yahay Oromo midna uu yahay reer Hargaysa dhalad ah markaa waxaa libintii raacday labada kii reer Hargaysaawiga ahaa, waxaa soo kala dhex gashay wiilka Oromada hooyadii oo aad ugga xumaatay dhibaatada Ilmaheeda soo gaadhay waxayn ku muusanawday: “ Markuu 20 sanno gaadho xagaad qaban dhulkan isagaa yeelan doona”.

Markaa fariintaa ay dirtay hooyadaasi waxay ka turjamaysaa hanka fog ee ay leeyihiin Xabashida iyo Oromada inagu soo qulqulaysaa, waa fariin inoo tebinaysa mustaqbalka in isdhexgalka iyo isu furka Soomaliya iyo Ethiopia ay keeni karto is dhaxal wareejin waa arin feejignaanteed leh una baahan in laggu baraarugsanaado laggana gaashaanto.

 

Somaliland waxay u egtahay dhul aan lahayn cid ilaashata marka lagga hadlaayo is dhexgalka taas oo keentay sida la sheegay in boqolaal Oromo iyo Ethiopian ahi ku abtirsadeen reeraha degga kuna qaateen waraaqaha dhalashada, dadkaas oo khatar gelin kara nabad gelyada iyo xasiloonida dalka ka jirta, waxaana suurta gal ah in ay ku lamaantahay siyaasad qorshaysan oo qoto dheer oo la doonayo in si qabow loo abuuro jaaliyad xoog badan oo asal ahaan ka soo jeeda Ethiopia kuna milan dadka degaanka Somaliland iyadoo ay intaa dheertahay kumaankunka Oromada iyo ethiopian ah ee iyagu soo degaya magaalooyinka Somaliland, dadkaasi waxaa suurta gal ah in ay ku dhex duugan yihiin dad tababaran oo ka tirsan laamaha ciidan ee Ethiopia (Militariga, sirdoonka iyo xog ururiyayaal qaabilsan dhinacyada kala duwan ee nolosha).

Degaanada Somaliland khaasatan bariga dhibaatadaas way ku yartahay waxaanad moodaa in ay taxadar ka qabaan dadka degeni in Ethiopianku ku dhex milmaan oo ma ogola in ay ku xididaystaan dhulkooda, halka waqooyi galbeed uu noqday meel ay kuba dhiiradaan in ay sheegtaan.

Ma jirto xog suggan oo ka waramaysa (scientifically) dhibaatadan,khataraha ku xeeran iyo tira koob la sameeyay oo laggu oggaan karo Ethiopianka dalka ku sugan, waxaase muuqata korodh xawli ku socda oo mudooyinkii danbe la dareemayo, taasina ay soo jiidanayso in dareen loo lahaado intaan xeedho iyo fandhaal kala dhicin.

Waxaan idinla wadaagayaa sheekadan xanuunka badan oo uu ka sheekeeyay nin dhalin yaro ah :

“Waxay ahayd goor galaba waxaan si kadisa ula kulmay dagaal socda oo laysu adeegsanayo rasaas nool, waxaan arkay Aniga oo dhinac walba ay igga xigaan koox ku hubaysan qoryo iyo booshash rasaasa , waxay u socdeen koox koox waxayna ku sii qulqulayeen xagga suuqa jigjiga yar ee (Hargaysa) waxaan gartay in aanay Soomali ahayn hadalkii ay ku wadahadlayeena afka Oromada qaarna xabashi bay daldalayeen, nasiib wanaag rasaas may ridayn ee waxay u ekaayeen gurmad ku socda halka ay xabaddu ka dhacayso oo xoogaa nagga fogayd,waxaan ka weecday dariiqii waxaanan istaagay meel dhinaca waxaa ishaydu qabatay uuro iyo qiiq cirka isku shareeray iyo dumar iyo caruur xagii xabaddu ka socotay ka soo yaacaya oo ahaa xamastii dagaalku ku dul qarxay, hadaba si aan u helo war dheeraada sida wax u jiraan waxaan xagiisii u dhaqaaqay nin odaya oo ahaa qofkii u soo horeeyay ee xagayga u soo socday waxaan ku idhi adeer ma bad qabtaa? meesha maxaa ka dhacay? inta uu yara hakaday buu iggu yidhi “ waar oramadii dalkii qabsatay oo dadkii madhisaye meesha ka kaca oo hubka qaata! intaanan eray kale ku celin baa dhinaca galbeed rasaas nalagaga soo furay dabadeedna midkaayaba gidaarkii uggu dhawaa ayuu foodda saaray, waxaa ii suurta gashay in aan gidaarkii raaco waxaan ku soo beegmay meherad albaabkii furan yahay oo la rafacay, inankii haystay baan ku idhi sidee wax u jiraan wuxuu iigu jawaabay “ intaanu lahayn waar Oromada iyo Xabashidu way inna qabsanayaane innaga saara oo haynagu soo daynina bal waataase ha gurteen midhaheedii”! markuu intaa iggu yidhi oo aanan hadlin baa nin dheer oo qaad taqsiisani xagga danbe ka soo baxay oo yidhi “ waar albaabka iska xidh tii Allay tegiye”. markaasaan booday oo baraarugay waxaan arkay in aan gogoshaydii iyo qolkaygii jiifo, shaydaankaan iska naaray “Acuudu bilaahi mina shaydaani rajiim”!

 

Waxaan horta Ilaahay ka baryayaa in aan riyadaasi inagu dhaboobin, balse waxaa loo baahan yahay dad ahaan iyo dawlad ahaanba in arintaa dhug loo lahaado oo qorshe lagga yeesho sidii arintan loo maarayn lahaa, oo ay kamid tahay :

1- in la xadido dadka soo gelaya.

2- in la diiwaan geliyo.

3- in loo sameeyo taysarooyin laajinimo.

4- in kuwa danyarta ah xeryo qaxooti oo magaalada ka baxsan loo dhiso laguna caawiyo IWM .

 

Waxaa la sheegaa in ay jirraan niman cuqaal ah oo dad aan dalka u dhalan kaadhka dhalashada u qaada waa in loo kuur galaa dawladduna ciqaab adag marisaa hadaii uu ku cadaado danbigaasi, waana in sharci adag laga soo saaraa.

Waa in ay ogaadaan cuqaashaasi iyo qof kasta oo lug ku leh in ficilkoodu uu shabaho arintii ay ku kaceen falastiiniyiintii guryahooda ka iibiyay yuhuudda markii ay falastiin yimaadeen, arintaasI oo albaabka u furtay in yuhuudu barabixin iyo barakicin baahsan markii danbe kula kacdo, markaa ha noqon doqontii xadhigii laggu xidhayay soohday, dhaameel lagu siiyayna ha dhaafsan dhulkaaga hana u dhitayn dhashaada in lagga dhaxal wareejiyo dalkooda.

 

 

Allah mahad leh.

✍️ Ahmed Abdulkadir Ahmed

ahmedkayseseven@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker