Bangiga Horumarinta Islaamka Oo Taageero Cusub U Balan-qaaday Dowladda Somaliya

Sii hayaha xilka Wasiirka maaliyada xukuumadda xil-gaarsiinta dalka, C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan dhanka aalada fogaan arag ah la qaatay madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka waxayna kawada hadalay dar dargalinta arimaha dhanka taageerida uu Bangiga siiyo Soomaaliya.

 

Mas’uuliyinta ayaa isla soo qaaday sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo kaalinta madaxda Bangiga Islaamka uu ku leeyahay taageerida Soomaaliya sidii loo xoojin lahaa.

 

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo aan ka wada hadalnay sii xoojinta taageerada Bangiga uu siiyo Soomaaliya”. sida waxaa bartiisa Facebook ku soo qoray Beyle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker