Qaabkii Ay Ku Baxeen CR7 & Zidane, Mustaqbalka Sergio Ramos, Imaanshiiyaha Hazard, Mbappe & Neymar – Wareysiga Madaxweynaha Real Madrid Perez

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa la hadlay idaacada Isbaanishka ee Onda Cero xalayto oo Isniin aheyd, waxaana uu ka hadlay arimo dhowr ah oo quseeya kooxdiisa.

 

Waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay sida uu kooxda uga tagay Cristiano Ronaldo waxaana uu beeniyay in Real Madrid ay diiday inay ciyaaryahanka ka caawiso deyntii canshuurta ee lagu lahaa iyo inay taasi sababtay bixitaankiisa.

“Waxaan u maleynayaa inuu Ronaldo cadeeyay inuu rabay tartan cusub” ayuu Perez ku sheegay wareysiga uu siiyay Onda Cero markii la weydiiyay waqtiga uu Ronaldo ku soo aadiyay bixitaankiisa iyo inuu shaaciyay inuu baxayo ka dib guushii Champions League ee Kiev.

 

 

Wuxuu waqtigaas u adeegsaday inuu shaaciyo go’aankiisa, laakiin waxaan qabaa inuu muddo dheer ka fekerayay.

“Wax dhibaato ah ma uusan sameynin mudadii sagaalka sanno ee uu joogay Real Madrid, waligiis tababar kama soo daahin, wax kalena ma uusan sameynin.

Waxaan aaminsanahay inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aan Real Madrid u soo saxiixo.

“Mar walba xiriir aad u fiican ayaan la lahaa. Wax dhibaato ah iskuma aanan qabin, xitaa lacag iskuma qilaafin. Waligeen kama wadahadlin deynta canshuurta ee lagu lahaa.”

Madaxweynaha Real Madrid ayaa markaas ka dib la weydiiyay haddii uu xiriir la sameeyay Ronaldo tan iyo markii uu u wareegay Juventus.

“Kama hadlo waxyaabaha shaqsiga u gaarka ah.” ayuu ku jawaabay.

Ronaldo kaliya ma bixin sidoo kale Zinedine Zidane ayaa isna kooxda ka tagay xagaagii hore, waxaana uu Perez sharaxaad ka bixiyay sida ay ku dhacday.

“Wuxuu iigu yimid xafiiskeyga, waxaana uu ii sheegay go’aankiisa” ayuu yiri madaxweynaha Los Blancos.

“Markii uu Zidane go’aanka gaaray ma jirin ka laabasho. Maalintii ku xigtay waxaan go’aansanay inaan shaacino.

“Waqtigaas ma jirin tababarayaal badan oo la shaqaaleysiin karay, dhamaantood qandaraasyo ay kooxo kale kula jireen.

“Julen Lopetegui waxaan rabnay inuu yimaado ka dib Koobka Adduunka.

“Isagaa doortay in la shaaciyo ka hor Koobka Adduunka, waxaan la hadalnay xiriirka kubada cagta Spain waxay noo sheegeen inaan heleyno tababare weyn, laakiin ka dib waxbaa dhacay, waxaana ay shaqada xulka Spain ka ceyriyeen galabnimadii.

“Ka dib lama aanan hadlin xiriirka sababtoo ah waa la ceyriyay, mana jirin lacag magdhow ah oo aan siin laheyn xiriirka madaama la ceyriyay.”

Inkastoo Real Madrid ay si xun ku dhameysatay hadana madaxweynaha Real Madrid ayaa u muuqday mid jecleystay guuldaradii kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona ka soo gaartay Liverpool koobka Champions League.

“Ma aheyn sida aan faraxsanaa, laakiin waa run natiijadooda waxa ay qiimo u yeeshay wixii aan sameynay” ayuu ka yiri sida ay Barcelona uga hartay Champions League.

Isagoo hadalkiisa raaciyay: “Inkastoo aanan farxad ka helin muruga dadka kale.”

Wareysiga ayaa markaas ka dib u weecday mustaqbalka iyo dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga Real Madrid.

Marka hore waxa uu ka hadlay Sergio Ramos iyo wararka sheegaya inuu dalab ka helay Shiinaha iyo inay isku dhaceen isaga iyo kabtanka kooxda ka dib guuldaradii Ajax.

“Waxba ma dhicin” ayuu yiri markii wax laga weydiiyay inay isku dhaceen isaga iyo Ramos.

“Wakiiladiisa ayaa ii sheegay inay dalab aad u fiican ka heleen koox Shiinaha ka dhisan, laakiin kooxdaan ma aysan bixin karin lacagta heshiiska sababtoo ah sharciga Shiinaha ayaa ah in lacagta ciyaaryahan ajnabi ah lagu iibsado in mid la mid ah canshuur ahaan dowlada loo siiyo.

“Miyay macquul tahay in Real Madid ay kabtankooda ku fasaxaan si bilaash ah?

“Sidoo kale waxay nagu noqon kartaa wado furanta. Taasna intaas ayay aheyd.

“Waan jeclahay Ramos, waxaana u qabtay wax walba oo aan awooday. Haddii aanan wax badan u qabanin micnaheeda waa inaan awoodin.”

Wuxuu sidoo kale ka hadlay James Rodriguez oo amaah ka soo laabanaya isagoo sheegay inaan weli go’aan laga gaarin mustaqbalka xiddiga reer Colombia.

Wuxuu kaloo sheegay inuusan weli macsalaameynin goolhaye Keylor Navas madaama uusan ogeyn inuu baxayo iyo in kale.

Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay xiddiga Real Madrid diirada u saaran xagaagan ee Eden Hazard, waxaana uu sheegay inuu rajeynayo inuu kooxda yimaado xagaagan.

“Sidee ayaan u la hadli karnaa koox final ciyaareysa?” ayuu su’aal la keenay Perez.

“Muddo sannado ah ayaan isku dayaynay inaan Hazard ka dhigno ciyaaryahan Real Madrid ah, laakiin weli ma aanan ku guuleysanin.

“Waan jeclaan lahaa inuu yimaado Real Madrid, waxaana igu jira dareen ah inuu sannadkan imaanayo.

“Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican.”

Haddii uu Hazard imaanayo waxay la micno tahay in Gareth Bale uu baxayo laakiin madaxweyne Perez ayaa diiday inuu ka hadlo go’aanka ay ka qaateen Bale.

“Ma doonayo inaan ka hadlo ciyaartoyda, laakiin wax dalab ah uma aanan helin Bale ama ciyaaryahan kaleba.” ayuu yiri.

Kylian Mbappe iyo Neymar ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Real Madrid laakiin Perez ayaa sheegay inaysan wax xiriir ah la sameynin xiddigaha PSG.

“Kalama aanan hadlin Zidane arimo la xiriira Mbappe iyo Neymar, cid kalena kalama aanan hadlin” ayuu yiri.

“Sidoo kalena lama aanan hadlin Mbappe mana la hadli doono.

“Sannadkii hore waxaan sheegnay inaanan dooneynin, sannadkana waa la mid.

“Hadii aan rabno ciyaaryahan waxaan la hadli doonaa kooxdooda.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker