Madaxweynihii Hore Ee Kooxda Real Madrid Oo U Geeriyooday Xanuunka Coronviruska

Image result for Lorenzo Sanz                       Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid Lorenzo Sanz oo 76 jir ahaa ayaa maanta u geeryooday xanuunka Coronavirus, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey wiilkiisu.

 

 

Lorenzo Sanz ayaa mudadii uu maamulaayey kooxda ee 1995 ilaa 2000 ku guulaysat labbo jeer koobka Champions League.

Dhawr maalmood ayuu ku jiray isbitaalka waxaana uu ka cabanaayey xumad iyo Neefsashada oo dhib ku ahayd, tijaabo caafimaad kadibna waxaa la xaqiijiiyey in uu ku dhacay xanuunka coronavirusku.

 

 

Loreno ayaa xilka kooxda ka Tegay sanadkii 2000 kadib markii uu Doorasahada kaga guulaysay Florentino Perez.

 

Wiilkiisa Fernando ayaa laftiisa kubada cagta ka ciyaaray heerka ugu sareeya, Real Madrid halka ay gabadha Sanz Malula ay guursatay xiddigii hore ee Real Madrid Michel Salgado, kaasoo kooxda u soo ciyaaray 1999 ilaa 2009.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker