Madaxweynaha Dalka Faransiiska Oo Xalay Booqasho Ku Tegay Jabuuti

Jabuuti(OWN)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay gaadhay Jabuuti , iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay dalkaasi.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa si maamuus leh ugu soo dhaweeyay gigida diyaaradaha Jabuuti, waxaana kadib loo galbiyay Qasriga madaxtooyada.

 

Booqashada uu Macron ku tagay dalka Jabuuti ayaa aheyd mid horay loo sii shaaciyay, isagoona kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda dalkaasi.

 

Labada dowladood ayaa ka wada hadli doona xiriirkooda iyo amniga, gaar ahaan arrimo ku aadan saldhigga milatari ee uu Faransiiska ku leeyahay dalkan ku yaalla bariga geeska Afrika ee Jabuuti.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada madaxweyne ay kulankooda ku soo hadal qaadi doonaan arrimo quseeyo xaaladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale madaxweynaha Faransiiska ayaa la sheegay in ay socdaalkan uu ku sii mari doono dalal dhowr ah oo dhac geeska Africa, sida Kenya, Ethiopia, Uganda iyo kuwa kale, balse lama shaacin in dalalkaasi ay ku jirto Soomaaliya.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker