Kulan dhexmaray Safiirka Thaiwand ee Somaliland iyo Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska

Hargeysa (OWN) – Wakiilka cusub ee Taiwan usoo magacowday Somaliland, kadib heshiiskii is-afgarad ayaa Shalay magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Wasiirka waxbarashada Somaliland.

 

 

Lou Chen-hwa, Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Wasiirka iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada Waxbarashada  iyo Sayniska , iyada oo kulankaasi ku wehlinayay ku-xigeenka wakiilku.

 

 

Kulankaasi ayaa Lagaga hadlay iskaashiga labada  Dawladood  ee waxbarashada, iyada oo si gaar ah diirada loogu saaray sidii ay Taiwan uga caawin laheyd Ardeyda reer Somaliland sidii ay u heli lahaayen deeqo waxbarasho.

 

 

Waxaana dhawaan la filayaa in xukuumada Taiwan ay deeqo waxbarasho siiso ardey reer Somaliland ah, kuwaasi oo u safri doona Jasiiradan sheegata inay ka go’day shiinaha.

 

Somaliland iyo Taiwan ayaa hore u kala saxiixday heshiis iskaashi oo Ay qeyb ka Tahay  arrimaha  waxbarashadu, midaasi oo shalay si rasmi ah loo bilaabay dar-dar gelinteeda.

 

 

Lou Chen-hwa ayaa hore u ahaa wakiilka Taiwan u qaabilsan dalka Sacuudiga, iyada oo dhawaan xili uu ku sugnaa Hargeysa loo magacaabay xilkan cusub ee ka dhashay heshiiska is-afgarad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker