Ganacsade Somali Ah Oo Ku Dilay Magaalada Minneapolis Ee Dalka Mareykanka.

Rag hubeysan oo Burcad ah ayaa xalay Saqdii dhexe waxaa ay goob Ganacsi oo uu ka Shaqeeynayay ku dhex dileen Muwaadin Soomaali ah , Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Muwaadinkan Soomaaliga ah  oo Magaciisa lagu soo koobay Liibaan ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay dhowr Xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa, xilli uu ku sugnaa Goob Ganacsi oo ku taala xaafada ay Soomaalidu degto ee Cedar-Riverside ee Magaalada Minneapolis.

Mid kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool Xaafada dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in liibaan uu u geeriyooday dhaawac culus oo ay Burcadda u geysteen, waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada Booliska Mareykanka ay wadaan baaritaan la xiriira Kooxahii dilay u geystay Muwaadinkan Soomaaliyeed.

Dhowr jeer ayaa waxaa dad Soomaaliyeed dilal kala duwan loogu geystay Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka wallow sanadihii dambe ay soo yaraanayeen dilalka Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker