Akhriso : Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Sharaxay Waxyaabaha uu sheegay in Laystaba Mariyay

Muqdisho (OWN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wareysi uu bixiyey ku faah-faahiyey sida loo beddelay nuqulladii saxda ahaa ee xeerarkii afarta ahaa ee ay sida wadajirka ah u soo diyaariyeen guddiyada wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka.

 

 

Guddomiye Cabdi Xaashi ayaa sharci-darrada dhacday ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay qaateen wax uu ugu yeedhay go’aan siyaasadeed.

 

 

“Labada Aqal mid kasta gaarkiisa ayuu shuruucda u ansixiyaa, marka golaha shacabku waxa ay ansixin ku bilaabeen nuqul aan aheyn kii ay isla soo diyaariyeen guddiyada isku dhafka ah ee labada gole oo ay iyagu sameysteen, cadeynteedana waxaad ka heleysaa faahfaahinta shaxda ku lifaaqan qoraalka,” ayuu yidhi guddoomiye Cabdi Xaashi.

 

 

Guddoomiyaha oo wareysigan siiyey Idaacadda VOA ayaa sidoo kale cadeeyay inay kala laba yihiin xeerarka afarta ah ee hadda iyaga hor yaalla oo guddigu u soo gudbiyey iyo kan hor yaalla golaha shacabka, oo sida uu sheegay la bedelay.

 

 

“Shaxda aan soo dirnay, waxaa ku cad in horta meel kasta oo Aqalka Sare uu uga jiray xeerarka laga tiray, waxaa kaloo laga saaray in sharcigii la ansixiyo uu marayo saxiix madaxweyne, marka anigu ma garan u jeedada laga leeyahay,” ayuu yidhi guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

 

 

Gudoomiyaha ayaa cadeeyay in labada Aqal uu ka dhex qarxay khilaaf culus, isla markaana xeerarka horyaalla golaha shacabka ay qorayaan in Aqalka Sare uusanba shaqo ku laheyn oo aan loo gudbineyn markii ay iyagu meel mariyaan sharciga.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Cabdi Xaashi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker