“Gacan Ku Dhiig-layaal Daleed Iyo U Madeed Ayaa Gadiid-kooda Lala Wareegey. (Axsan.)”

Waxaan Arkaayey Muwaadiniin Badan Oo Reer Somaliland Ah, Kuwaasi Oo Ku Dooda-ya.
Waa Sharci-daro Xukunka Dowladu Kula Wareegtey Gadiidkii Lagu Soo Qabtay Qaadka Sharci-darada ah, Iyo Odhaahyo Kale Oo Qiil Loogu Raadinayo Danbiila-yaasha.
Muwaadin Waxad Noo Sheegta Ninka 5 Milyan Ee Caruur, Ciroole, Naafo, Aqoonyahan, Ganacsato, Madax, Danyar Iyo Xaamilooyin Hooyoyin Ahba Leh, U Tudhi-waayey Bedqabkooda . Bal’e Faa’ido Ka Deyey Ka Qayb Qaadashada Jidka Halaagsan Keena Inaga Oo Idil?.
Ma Sharci Baa Loo Maray Xukunka Hantidooda?. Anigu Haa Ayaan Qabaa!.
Qodobka 90 Ee Dastuurka Qaranku Waxa Uu Madaxweynaha Awood U Siinayaa Hadii Xaalad Halis Ah Dalku Waajaho Inuu Isticmaali Karo Awoodkasta Oo Badbaado Loo Arko Isagoo Aan Dhaafayn Xayndaabka Sharci Ahaaneed Iyo Latashiga Cida Ay Khusayso. Sidaa Darteed Marka Xaaladahan Oo Kale Yimaadaan Waxkasta oo Loo Arko Badbaadinta Iyo Bedqabka Daleed Iyo Shacbiyeed Waa Waajib Sharci In Laqaataa Talaabo Kasta Oo Xal U Madeed Iyo Daleedba Loo Arko.
Afeef:
Qodobadaa Kor Ku Xusani Dhammantood Marka La Isku Daro Odhan-maayaan Kootara-baan Layaasha Qaadka Oo Keli Ah Ayaa Faafida Cudurkan Safmarka Ah Ee COVID-19 Keli Ku Ah Ama Dusha Laga Saarayaa, Balse Qofkasta Oo Khilaafa Jidka Looga Hortegayo Ama Sabab U Noqonkara Wadiiqooyin Uu Fursad Faafitaan Ka Heli-karo, Waa Gacan Ku Dhiiglayaal Daleed Iyo Shacbiyeed Ee Yaan Loo Qiil-deyin Sharciga Ay Mudanyihiin Ha Lamarsiiyo.

FG: Waa Aragti Ii Gaar Ah Oo Ka Xalaal Ah U Jeedo Gaar Ah Taageero Xukuumaded, Xisbi Iyo Mid Madaxweyne Toona Lkn Aan Ku Saleeyey Cidkasta Oo Qayb Ka Ah Bedqabka Shacabka Iyo Dalkaba In Lagarab Istaago. Cidkasta Oo Xagal Daacinaysana Farta Lagu Fiiqo Sumado Kalena Aan Loo Samayn.

 

 

W/Q Suleiman H Sandhere

Email:kingsaleiman1994@gmail.com
Whatsap: +252 63 4442769

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker