Oodweyne News - Latest Somali News Update

CEELAFWEYNE WAXAY KU DAMBAYSAY ‘ NIN FAATAXO KU DHASHAY FAATAXO MA DIIDO.

Magaalada Ceelafweyne waa magaalo aad iyo aad u magac dheer siiba woqooyiga dhulalka Somalidu degto, gaar ahaan aniga meel gaara ayey  igaga taallaa, runtiina Sanaag iyo Togdgeer midna  Degaan kooda kama soo jeedo hadana sabab ilaahay igu mannaystay ayey anigoo yar qalbigayga  ku Ceelafweyne ku gashay. 1976kii anigoo Dugsiga Axmed Gurey dhigta fasalka todobaad ayaa walaalkay oo ahaa Weeriyaha SOONA EE GOBOLKA Mudug laga soo bedelay oo loo soo bedelay Hargeysa Gobolkii Woqooyi Galbeed. Markaasuu  qabsaday xafiis weynoo oo ahaa TAFATIRAHA IYO WERIYAHA GOBOLKA  EE WAKAALADDII SOONA. Maalin tii  iigu horaysay ee walaalkay xafiiskiisa ku booqday ayaa wuxuu u baxay shirar  Idaacadda Hargeysa xafiisyada kale ka socday,  anna wuxuu igu sii balamiyey inaan telephone nada qabto. Kurisigiisii booshka ahaa ayaan isku dhootaaliyey anigoo ashqaraarsan waayo waa maalintii iigu horaysay kursi ka Madaxweynaha oo kale ah aan badhida saaray, shaqaalaha xafiiska soo hormaraana wey soo eegayeen. Markaasaa telephone kii u horeeyey baa soo dhacay, markaan qaadaybaa baa saa ninbaa ka dhexqaylinaya war kasoo tebiniya CEELAFWEYNE wuxuu lahaa Ceelafweyne roob weynbaa ka da’aya. Waa warkii ka bixidoona Radio Hargeysa galabta. Anigu waxaan la dhega ballaadhay Meeshan aanaan weligay hore u maqal ee Ceelafweyne,  markaasaa anaa hoos iskula hadlay oo isku  idhi tollaw xaggay ka xitaa Gebiley, shaw maskaxdaydu gebiga iyo ceel bay isla doonatay  maan male‐xumayn.

Laga soo bilaabo maalintaa magaalada Ceelafweyne way igu weynayd oo aad baan u jeclaa. Shantii sano ee dagaalku ka socday aad baan uga xumaa, dadkii dagaaladaa lagu laayeyna aad baan xasuustaa waayo qaar badan oon waxba galabsan baa si xun loo dilay, caruur dhabarka lagu sido, dad raggii laga laayey labaataneeyo caruura bannaan kaga dhintay, dad suuqa la iskaga toogtay iyo qaar gawaadhi la jiidhsiiyey, madaxdii asluubta ee boqolka geed u beeray Garadag ee iyagoo wax samayn shuftadii si arxan dariya madaxdii askarta u dileen. Xusuustu way badantay laakiin waxaa maydhay heshiiskan Ceelafweyne ee kii dhabta ahaaya. Dagaalka siyaasadaysnaa ciiddii waday waxba lasii wadwadimaayo imika,  berigii ingiriiskii ayaa nin Madaxa oo Giib  la odhan jiray nin Somaliyi dilay Burco, markaasa geelashii askartii ingiriisku xareeyeen markii dambe ayaa nin madaxa oo Dhaqanka Soomaalida yaqaan ayaa yimi oo yidhi iska sii daaya geelasha marka roobku da’o bay ciddii dishay ku heesi doonaane.Markii ciddii dagaalka dabada ka riixaysay gugaynu heesaha ka sugaynaa reer Ceelafweyne.
Dagaalka Dawladood buu xilligoodii socday,  xukuumaadii Siilaanyo iyo tan Muse Biixi. Xukuumaddii Siilaanyo qasnadahaa furnaa ee Siilaanyo  dagaalkay ka qaybqaadanayeen si dabban iyo si toosaba laakiin Muse  Siilaanyo wuu ka wacnaaday oo ka basin wacnaaday oo qasnaddii uu naftiisa mooyee dadkii kale ka Handaraabay xabbad joojinta way ka qayb qaadatay waanuu ku  Mahad sanyey ammaan na wuu ku leeyahay xilligiisii in dagaalkii Ceelafweyne istaagay.  Abaartii xilligii Siilaanyo dadka qallajisayna Allah xilligii Muse Barwaaqo miidhan buu ka dhigay.  Dagaalkii Ceelafweyne  FAATAXO QUDHA AYUU KU JOOGSADAY MAXAA WACAY WAA DAD FAATAXADA YAQAAN.
BASHE P
qoranebashe@gmail.com