Hami aan dhamaan iyo Hagardaamo shacab. W/Q:Abdirashiid Muuse Aadan.

waxaynu maqalnaa Doorasho ayaa dalka ka dhacaysa sanadkan , waxaan hore u soo tilmaamay mashaariicda madhalayska ah ee shacabka lagu habsaamiyay ee xukluumadiihii kala dambeeyay ku lugooyeen, sida biyaha iyo wadooyinka oo qaarkood 14 in ka badan kolba dhagax cusub lasii dhigayo heshiisna loo saxeexayo.

waxaa iyana mashruuc gaara ah doorasha goloyaasha deegaanka iyo wakiilada  oo kuutinaysay shan sano in ka badan gaar ahaan baarlamanka. hadaba hadaad u kuur gasho dhamaan afcaasha heshiisayada mal awaalka ah ee xukuumada iyo xisbiyada ka soo fulaya maaha qaar suuragal ka dhigaya in doorasho dalka ka dhacdo.

iskaba daa doorasho e waxay sii fogaynaysaa habkii doorasho udhici lahayd , marka aad eegto is mariwaaga  dhanka commisionka lagu muransanyahay ,diwaan galintii shacabka  iyo heerka saamiga  oo ah mid lagu guul darastay  dhamaantood waa wax yaabaha doorashada hortaagan. waxaa ku lamaan xeeladaha dahsoon ee ay xukuumadu mudada ku dheeraynayso.

taa waxaa garabtaala in aanay jirin mucaarad dhaba ah oo dawladan gorgortan kula jira dhanka doorashada  habayaaraatee  oo waxaabad arkaysaa in ay lugaha isku marteen xisbi mucaarid ah iyo dawladii oo saacadaha qaar afhayeenka xukuumaduba  noqonayo Qay ka mida mucaaridkii.

gaba gabadii waxaa xukuumadii ka muuqata nidaam african kaas oo ah kii xukunka la isku dhajin jiray Democracy-gana indhaha laga ridi jiray , waxaa haboon in xukuumadu shacabka kasbato oo ay dadajiso wixi doorasho iyo sharci ah waayo shacabka ayay taageero kaga helayaan sidaa.

xukuumadu waxay ka dhigantay sidii nin ceel dul taagan oo wadaan ku riday oo wadaantii soo celyay iyadoo madhan  dadka kalana ku leh wadaantu way buuxdaa.!
W/Q: Abdirashiid Muuse Aadan . ( rashaad055@hotmail.com).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker