Carruur Xilligan Casriga Ah Adduunka Ku Nool Oo Nolasha Ka Quustay Iyo Sababteeda !

Wiil laba jir ah oo lagu magacaabo George ayaa waxa uu ka mid yahay boqolaalka magangelyo doonka ah ee ku nool Jasiiradda Nauru.

Nafta oo la iska gooyo iyo falal argagax leh oo waxyeello ku ah nafta ayaa sii cakiraya xaaladda carruur qaxoonti ah oo ku rafaadsan jasiiradda Nauru, kuwaasoo ku sugan xaalad lagu tilmaamay ‘dhibaato caafimaad oo dhanka maskaxda ah’.

Dalkan yar ee jasiiradda ah ee jaarka la ah Australia ayaa waxa ragaadiyey dhibaatooyin iyo gabood falo la xidhiidha xuquuqda aadamaha.

Balse, barnaamijyo saxaafadeed oo taxane ah ayaa diiradda saaray xaaladda sii xummaanaysa ee da’yarta ku nool jasiiiradaasi.

Louise Newman oo ah dhakhtar wax ka dhigta Jaamacadda Melbourne oo la shaqeysa qoysaska iyo carruurta Jasiiraddaas ayaa waxay tidhi, “Waxaan ku aragnay hab dhaqan ismiidaamin ah carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 8 jir ilaa 10 jir”.

Australia ayaa ka hor tegta dadka magangelyo doonka ah iyo kuwa qaxoontiga ah ee doonaya inay doonyo ku yimaadaan xeebeheeda, waxaanay ku adkeysanaysaa in aanay oggolaanayn inay dib u dajin ka helaan Australia, sidaas darteed sanado badan ayey kharash ku bixinaysay xarumo dadka lagu hayo oo sigaar ah loo maamulo oo ku yaal jasiiradaha Nauru iyo Papua New Guinea.

Kooxaha caawiya qoysaska ku sugan Nauru ayaa soo gudbiyey sawiro naxdin leh oo la xidhiidha carruurta ku nool Jasiiraddaas.

Qaar badan ayaa noloshooda ku qaatay xabsi, iyagoo aan garanayn waxay ku dambayn doonaan.

Australia ayaa si joogta ah loogu dhaliilay sharcigeeda adag ee ku aaddan qaxoontiga iyo magangelyo doonka.

Haddaba, Dhibaatada lasoo deristay oo ay u weheliso duruufta adag ee marmarka qaarkood khatarta badan ayaa qayb ka ah inay nolosha ka quustaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker