Xiisad u dhaxaysa Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Caare Oo Laga Dareemayo Gobolka Sanaag

Wararka gobolka a Sanaag ayaa sheegaya in saaka ciidanka Somaliland ay dhaq dhaqaaqyo milatari ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka sanaag.

 

Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa la sheegay inay ka hortagayaan jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caare oo horay uga tirsanaa Mileteriga Somaliland iskuna magacaabay Dulmi-diid.

 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

 

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

 

 

Oodweynenews Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker