Gabadh Inta La Kufsaday Haddana Fooq Laga Soo Tuuray Magaalada Muqdisho

Dhacdo argagax leh ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii gabadh kufsi loo geystay laga soo tuuray dabaq ku yaalla dagmada Waabari.

Gabadhan yar waxaa magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax oo deegaankeedu ahaa dagmada Dayniile, gaar ahaan xaafada Raadeerka.

Gabadhani waxey ka mid aheyd ardaydii sannadkan ka qalin-jabiyay dugsiga sare, balse wali laamaha amaanka Soomaaliya kama hadlin dhacdadaan, walow ay warbaahinta u xaqiijiyeen waalidiinteedu oo falkan argagaxa leh wax laga waydiiyay.

Qaar ka mid ah ehelada gabadhaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadka geystay falkan foosha xun, waxayna warbaahinta u sheegeen in la xaqiijiyay kufsiga loo geystay gabadha yar ka hor inta aan dabaqa laga soo tuurin.

Falalka kufsiga ah ee loo geysanayo gabdhaha da’da yar ayaa kusoo badanaya koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, dhacdadan ayaana ah midda ugu dambeysa ee la hadal hayo iyadoo la filayo in la amba-qaado xal ka gaadhideeda.
Waxaana Arrin ugub ah noqonaya in gabadh dabaq laga soo tuuro inkasta oo ay hore dalka Soomaaliya uga dhacday in gabadh la kufsado kadibna la dilo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker